REERKASTA QARANKAA KA AWOOD BADAN W/Q: FARHAN MOHAMED SULTAN NUR (RAKAD)

0
357

Berbera (Ceelgardinews.com) Reerkasta iyo qabiil kasta haddii ay tashadaan , guushu waxay raacdaa qaranka iyo cida la jirta, somaliland waa qaran jira oo ka awood badan reer iyo cidkastaba , waxaana uga socdaa maqalkaygan Hanjabaada iyo shir beeleedyada joogtada ah ee ay ku kacaan qaybo ka mida bulshada somaliland maalinkasta iyo saacadkastaba taas oo ay sababto marka Reeruhu ka waayaan dawlada kuraas aanay xaq ugu lahayn dastuurkana aan ku qornayn ay ku hanjabaan waanu tashanay oo waanu duminaynaa dawlada, runtii marka reer la yahay waxa wanaagsan In lagu tashado sidii wax lagu hagaajinaa , sidee horumarka dalka ka socda uga qayb qaadanaa se maaha in lagu tashado in qarankan afka lagu dumiyo, qofkasta oo ku riyooday inuu dumiyo waa mid riyo ku jira, wadankan waxa loo soo daadiyay dhiig badan, waxaana loo soo maray marxalad adga taas oo loo huray naf iyo maal intaba.

Sidaa awgeed in dawlad loo hanjabo, iyo in kooxo yaryari dhufayska galaan taasi maaha sifaha dawladnimo.

Dawlada waxaan leeyahay cadaalada iyo sinaanta ha la sooro , cidkasta oo cabanaysana hoos ha loo eego , kolay cidkasta lama wada qancin karo se sida guud iyo sida gaarka ahba sida ugu saxsan wax ha loogu qabto cidkasta oo wax tabanaysa.

Maxaa waajib ku ah Dawlada iyo bulshadaba.
Dawlada waxa ku waajiba in ay dadkeeda iyo dhulkeedaba u sinaato oo meelkasta laga dareemo cadaalad iyo maamul wanaag, sidaa awgeed marka ay dawladu buuxiso baahiyaha iyo cabashada dadka ay dawlada u tahay ayaa ay awood u isticmaali kartaa qofkasta oo dawlada ka soo horjeesta, waxa markasta dawlada ku waajiba in ay ka hor tagto waxkasta oo dadka kicinaya , isbahaysina samaynaya .

Sidoo kale dawlada waxa ku waajiba inay digreeto ka soo saarto shir beeleedyada joogtada ah oo aanay u ogolaan marnaba cidii lagu arkana talaabo laga qaado.

Bulshada waxa ku waajiba inay dawlada la shaqeeyaan kana kana feejignaadaan saami qaybsi aan dastuurka ku qornayn, sidoo kale joojiya hanjabaada iyo shirarka aan midhaha fiican aanay ka dhalanayn ee markasta la qabanayo ee dadka lagu kicinayo.

Bulshada waxa ku waajiba ka shaqaynta nabad galyada, horumarka, dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanada ay dawladu maamusho.

Wada shaqaynta dawlada iyo bulshada ayaa dawlad saxa la arkaa.

Contact

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Mobile: 063-4400319

Email: farxaanmxd@gmail.com

Social Activists’

Free Journalism/Political analyst Post

Post number RP 180 Article

Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here