Guddomiye Ku Xigeenkii Ururka Suxufiyinta Secja Oo Ciidamada Amaanka Magaalada Burco Xidheen

0
301

Ciimada amaanka ee magaalada burco ayaa caawa fiidkii Saldhiga dhexe ku xidhay Gudoomiye Kuxigeenkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA ahna gudoomiyihii Wargeyska Codka Shacabka Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)

Xadhiga Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Saxaafada Somaliland ee SECJA ayaa waxa la sheegay inuu amray Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale oo amar afka ah soo faray Ciidamada Booliska ee uu Xukumo.

Sidoo kale waxa wariyahan lagu xidhay sife sharciyada dalka uyaala baalmarsan iyada oo aan lagu xidhin waaran maxkamadeed sida sharcighu jidaynayo balse lagu xidhay amar afka Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Togdheer sida uu nboo sheegay Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)markii lagu sii waday Saldhiga dhexe ee uyu hada ku xidhanyahay.

Ilaa hada lama cadaynin danbiga wariyahan loo xidhay iyo sababta keentay xadhigiisa Taliyaha oo aanu isku daynay in aanu xadhiga suxufigan wax ka weydiino ayaanay noo suurgalin in aanu helo.

Xadhiga Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA Axmed Sakaaro ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili gacanta lagu soo dhigay mid kamida ragii dhaawacyada halista ah magaalada Burco kugaadhsiiyay bishii tobnaad ee sanadkii hore oo lagu magacaabo Afcas kaasoo dhawaan isaga iyo nin kale nin ku khaarajiyay deegaanka Godorka oo hadana ku xidhan Xabsiga Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here