Falaaqaynta Xukunkii maxkamadda waxa libin ka soo hooyey jamaal cali xuseen,

0
305
Falanqayn sharci Farqadaa Saddexaad Qodobka 12-aad ee Xeerka Xisbiga UCID, wuxuu innoo qeexayaa Ergooyinka Shirka aan Caaddiga ahayn ee Xisbiga, oo noqonaya ” Ergada Shirwaynaha aan caadiga ahayni waa ergadii shirwaynuhii u danbeeyey ka qayb gashay”,
Sidaa markay tahay xubnihii hore hadii 10 qof ka joogaan 10 kaas ayaa sharci ah mana jirto xubno cusub oo inta la
soo buuxiyo fadhiisanaya waxayna noqonaysaa macaal kuwa cusub in shirwaynaha lagu ansixinayaa, balse hadba siday isu dhisaan garabka jamaal ayey natiijadu ku xidhan tahay,
Markaad eegto xukunka maxkamadda qodobka odhanaya waxaanu ayiddnay qodobada 4aad 5aad 6aad iyo 7aad ee go’aankii gudida diiwaangelinta ururada siyaasadda halkaana jaanis baa ku jira ku xidhan kolba sida looga faa’iideeyo sababtoo ah qodobka 4aad ayaa wuxuu jidaynayaa in Ujeeddada Shirku tahay ansixinta Heshiiskii Garabka Jamaal Cali xuseen iyo Xisbiga UCID dhex maray, wuxuuna odhanayaa “
shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhamaan heshiiska labada garab iyo wax ka bedelka xeerka guud ee Xisbiga ucid ku taariikhaysan 12-7-2012″ Qodobka 5aad wuxuu odhanayaa golaha dhexe ee sharciga ah xisbiga ucid waa 181 soo jeedin sharci ahi ka FURAN tahay sidaa markay tahay garabka jamaal waa inay 125 koodii xubnood goobta shirwaynaha keenaan 60 cisho ka Dib,
Xalka ugu dhow ee ucid waa in faysal iuo jamaal Mar haday waayeen Cid kala dirta iyagu Dib isugu noqdaan, Xalka labaad waa in garabka jamaal tafsiir sharci dalbadaan wixii intaa ka baxsani waa aynu sii wada murano,
i Axmed bile Maxamed”qadaad-wagareed” 063-4422790

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here