Guddomiyhii Maxkmada Sare Somalia Oo Xilkii Laga Qaaday IYO Masuul Ka Tirsanaan Jiray Xukumada Somaliland Oo Jagaada Loo Macaabay

0
305

Muqdisho (Ceelgardinews.com) Caydiid Ilko-Xanaf oo xilkii laga qaaday iyo Gudoomiye cusub oo loo magacabay Maxkamada Sare –

Ibraahim-Iidle-Saleebaan

Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan. Oo Hore U Ahaan Jiray Garyaqaanka Guud Ee Xukumada Somaliland .Isgoo Dhawaana Xilkii Isagu iska casilay

Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in mas’uulka cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha uu horay u ahaa garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland.

Madaxweynaha Somalia ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa 85-sano gaartay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xil-ka-qaadista Guddoomiyhii Maxkamadda Sare ee dalka iyo inuu shaaciyo magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee la magacabaay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.