Guddoomiyaha cusub ee Guddida Agaasinka Hay’adda Dekedaha iyo Aaga Cashuuraha ka Caagan, Mudane Maxamed Maarshaal, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka.
Guddoomiyuhu waxa uu ballanqaaday hoggaan hufan iyo dardar-gelinta horumarinta dekedaha iyo maalgashiga, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee hay’addu ku leedahay koboca dhaqaalaha Somaliland.

















