Masuuliyiin Sare oo Kormeeray Waddada Baki–Boorama
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee WADDANI Xirsi Xaaji Xasan, oo ay weheliyaan Wasiirka Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda, Maamulka Gobolka Awdal iyo Maayirka Magaalada Boorama, ayaa kormeer ku tagay waddada Baki ilaa Boorama oo ay ka socoto shaqo ballaadhan.
Masuuliyiinta ayaa halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Maxamed Faarax Cabdi iyo shaqaalaha gacanta ku haya dhismaha waddada, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay heerka ay marayso shaqadu.
Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoomiyahuba waxay si weyn u bogaadiyeen dadaalka socda iyo horumarka muuqda ee laga gaadhay mashruuca, iyagoo ku dhiirrigeliyay shaqaalaha inay sii laba jibbaaraan hawsha muhiimka u ah isku socodka iyo horumarka gobolka Awdal.

















