GUDDOOMIYAHA UCID OO JIIR CALI-MADOOBE U MAGACAABAY GUDDOOMIYE-KU-XIGEENKA 3AAD EE XISBIGA, CALI-GUREY- CAWDA U JARAY

0
259

Hargaysa (Ceelgarinews.com) Guddoomiyaha Xisbiga Mcuaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Ayaa shalay xilkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbigaasi  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), isagoo guddoomiyuhu xilkaas u magacaabay

n uu noqdo Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo kamid ahaa saraakiisha sarsare ee xisbiga UCID, waqti xaadirkanna ahaa xog-hayaha ciyaaraha iyo isboortiga ee UCD.  Sida lagu sheegay war saxaafadeed shalay kasoo baxay xarunta dhexe ee xisbiga UCID oo uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku saxeexan yahay ayaa  lagu sheegay xilka qaadista iyo magacaabista xubnahan. Warsaxaafadeedkaas oo warbaahinta loo qaybiyey waxaa nuqul kamid ah oo HUBAAL soo gaadhay uu u dhignaa sidan: “Anigoo [Guddoomiyaha Xisbiga] Isticmaalahay awoodda xeerka xisbigu siiyey guddoomiyaha iyo igmashadii (Mandate) shirweynihii 3aad ee xisbiga oo ahayd in [guddoomiyuhu] buuxiyo xubnaha kaydka ah iyo wixii hoggaanka sare ka banaannaada, ilaa inta laga gaadhayo kalfadhiga shirweynaha 4aad ee Xisbiga UCID. Markaan arkay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay danaynaynaan isla markaana doonayaan in ay ku soo biiraan xisbiga UCID, waxaa lagama maarmaan noqotay in dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo hoggaanka xisbiga, sidoo kalena daddar cusub la geliyo [hawlihiis]. Markaan arkay in ay kaabiga innagu soo hayaan  doorashooyinkii qaranka [Madaxtooyada iyo wakiillada] isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo dedaal dheeraad ah oo xisbiga UCID loogu diyaargaraynayo hanashada madaxtinimada JSL  ee 2017-ka.  Si loo helo hoggaan midaysan oo isku niyad iyo wada shaqayn hufan ah oo ka abuuranta bahwaynta xisbiga Cadaallada iyo Daryeelka min heer tuullo, gobol, illaa heer Qaran.  Waxaan gaadhay maanta [shalay] oo ay taariikhdu tahay 2-April-2016 ub aan magacaabo xilal isla markaana xilalka ka qaado qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga.

 

Xil-ka-qaadis

Laga bilaabo maanta waxaan xilalkii ay hayeen ka qaaday mas’uuliyiinta ay magacyadoodu kala yihiin:

Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey)- guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga oo Kumeel gaadh ahaa. Xuseen Xasan Badmaax- Xoghayihii hore ee xuquuqal Insaanka Xisbiga UCID.Siciid Amiin– guddoomiyihii hore ee xisbiga UCID u qaabilsanaa qaaradda Yurub. Cabdiqaadir Cukaash- xoghayihii xidhiidhiyaha saxaafadda ee UCID/UK.

Magacaabis:

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 2-April-2016 WAxaan u magacaabay: Md. Maxamuud Cali Muuse [Jiir] guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID si kumeel gaadh ah. Md. Cabdikariim Cali Nuur Maxamed– La taliyaha guddoomiyaha ee arrimaha bariga. Dr. Ismaaciil Axmed Sulub-Xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee UCID. Md. Axmed Xasan Axmed (Axmed-Quick)-Xoghayaha golaha fulinta ee UCID.  Md. Maxamuud Xandulle Warsame– ku xigeenka xoghayaha golaha dhexe ee UCID. Md. Maxamed Yuusuf Cilmi [Geeraar]- guddoomiyaha UCID ee Qaaradda Yurub. Md. Farxaan Xuseen Nabadiid, Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga UCID ee UK” . ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiska guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.  Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaaf ba’an  soo kala dhex galay guddoomiyaha iyo garabka uu hoggaaminayo Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaasi oo Cali Gurey ka mid yahay.

Muxuu Cali-Gurey ka yidhi Xilka qaadistiisa?

Geesta kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee 3aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf [Gurey] ayaa qoraal uu xalay ku baahiyay bartiisa Internetka waxaa uu kaga hadlay xilka ka qaadista lagu sameeyey, waxaana uu sheegay in keliya uu guddoomiyuhu xilka ka qaadi Karo haddii uu ka ansaxiyo golaha dhexe oo go’aanka ay soo saaraanna uu u hogaansami doono. Qoraalka Cali-Gurey oo aanu qaybta uu kaga hadlayo xilka qaadistiisa idiinka soo xiganay bogiisa Faysbuuga waxaa uu ku yidhi “  Aniga haddii uu jiroba xil uu ii magacaabay [guddoomiyuhu]  wuu iga qaadi karaa raallina waan ku ahay laakiin waxan cadaynayaa in aanu jirin haba yaraato eh xil uu gudoomiyuhu ii magacaabay oo aan u hayo Xisbiga UCID. Xilka aan u hayo xisbiga waxa la iigu doortay Kalfhadhigii 5aad ee Golaha Dhexe oo cod buuxa ku ansixiyay sida ku cad go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigaasi isaguna xaq uma laha inu iga qaadi karo hadiise uu ka ansixiyo Golaha Dhexe waa sax waanan u hogaasami doonaa” . ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf