Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey khudbad uu ka jeediyey fadhi wadajir

0
77
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey khudbad uu ka jeediyey fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, taasi oo lagu uu ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Guddoomiye Xirsi ayaa xusay in Madaxweyne Cirro uu muujiyey hoggaan wax-ku-ool ah, isla markaana uu hirgeliyey waxqabadyo la taaban karo, inkasta oo ay jireen caqabado badan oo ku gadaaman. Waxa uu sidoo kale ammaanay qorshayaasha horumarineed ee uu Madaxweynuhu damacsan yahay inuu fuliyo mustaqbalka dhaw.
Wuxu yidhi “Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha waxqabadka dhinacyada badan leh ee la taaban karo, kuwaasi oo ilaa hadda hirgalay, iyada oo ay jireen caqabado badan oo ku xeeran”.