Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Marwo Martina Schmidt oo ka tirsan Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Switzerland (SDC), oo hoos timaadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Switzerland (FDFA).
Kulanka ayaa laga wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Switzerland (SDC), gaar ahaan dhinacyada qorshaynta, isku-dubbaridka, iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dalka.
Intii uu kulanku socday, weftiga Switzerland waxay soo bandhigeen hawlaha ay ka fuliyaan Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageeridda mashaariicda horumarineed, xoojinta hay’adaha dowliga ah, horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, mashaariicda lagu kobcinayo adkaysiga bulshada, sidoo kale waxay war bixin wasiirka ka siiyeen hir gelinta Mashruuca horumarinta ka-qaybgalka haweenka Gender Program.
Dhankeeda, Wasiirku waxay tilmaantay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga,waxayna la wadaagtay weftiga taageerada farsamo ee ay wasaaraddu u baahan tahay, kor u qaadidda isku-dubbaridka mashaariicda, xoojinta nidaamka dabagalka iyo qiimaynta, iyo dhismaha awoodda shaqaalaha.
Ugu dambayn, Wasiirku waxay uga mahadcelisay Dawladda Switzerland taageerada horumarinta ee ay siiso Somaliland, gaar ahaana iskaashiga labada dhinac iyo muhiimda hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka, isla markaana ay Wasaaraddu ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqaynta si loo gaadho horumar waara oo loo dhan yahay.
















