GUDOOMIYAHA XISBIGA UCID EE GOBOLKA SAAXIL OO CAMBAAREYSAY XADHIGA AFHAYEENKA URURKA MUWAAFIQO

0
345

Hargaysa (Ceelgardinews.com) -Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin ayaa si kulul u Cambaareysay xadhiga Xukuumadda Somaliland  ay kula kacday Afhayeenkii Ururka Muwaafiqo Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi oo kamid ah guddida qaban-qaabada shirka Beesha Ciise Muuse, kaasoo caawa Ciidamada Aamaanku Xabsiga u taxaabeen.

rooda

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin ayaa Xukuumadda ku siffeysay mid aan laga xidhin shadaadiinta, Gudoomiye Rooda oo arrimaha ka hadlaya waxa ay yidhi.

’’arrintaa inaanka ee caawa dhacday waa mid aan la fillay, maadaama oo Bishi Ramadaan aynu ku jirno, waxanan leeyahay malaha Xagga Xukuumadda shadaadiintiiba lagama xidhin. Sidaan daraadeed waxan ugu baaaya xukuumadda inay deg-deg xoriyadiisa ugu soo celiso Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi.

Waxanan u mallaynayaa sababta xadhiga imika Keentay inay tahay cadho ka kacday Guuldaradii kasoo gaadhay wareejinta Dekedda, oo ay ku fashilmeen qolodan Lacagta u waashay’’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here