“Haddii Caawa Aanu Aniga Iyo Muuse Biixi Shirkan Wada Fadhiyi Lahayn, Waxaad Arki Lahaydeen Annaga Oo Is-Dhun-dhunkanayna, Laakiin Wax Weliba Wey Dhacaan-ne

0
292

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa in muddo ah markii ugu horraysay ka hadlay ka maqnaanshihiisa saaxadda siyaasadda iyo waliba khilaafkii uu muddo ka hor uga dhex baxay hawlihii xisbiga uu katirsan yahay ee KULMIYE dhexdiisa.

Mudane Samaale oo haatan ku sugan carriga maraykanka, ayaa si hufan oo turxaan la’aan ah uga hadlay cadhadii haatan kahor isaga iyo xubno uu kamid yahay uga baaqsadeen shirweynihii xisbiga KULMIYE ee musharraxnimada loogu doortay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxana uu muujiyey inaanu cindigiisa ku haysanin wax xumaan ah oo uu u qabo saraakiisha xisbiga hoggaamisa.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo la hadlay hoggaanka laanta xisbiga Kulmiye ku leeyahay dalka Maraykanka iyo waliba taageerayaasha xisbiga, ayaa si farxad iyo kalsooni badani ku jirto u sheegay in sidii khilaafka uu qaybta ka ahaa xisbiga ugu yimi aanu wali la kulmin musharraxa xisbiga oo kursigaas tartan hore ugula jirey, “haddii tartan intaan galo layga badin lahaa halkaa aan taaganahay ayaan madaxa iyo minjahaba ku dhunkan lahaa, taasise may dhicin adna markhaati baad ka tahay sow maaha” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Mudane Samaale oo hadalkiisa sii wata, ayaa muujiyey sida uu xiisaha ugu qabay inay isaga(samaale) iyo guddoomiye Muuse Biixi ku kulmaan carriga uu haatan joogo ee maraykanka, haddii fursadaasi jiri lahayd ay halkaas ku dhamayn lahaayeen xurgufta ka dhalatay rabitaanka hoggaamineed ee labadan siyaasi wada yeesheen, waxana uu yidhi, “haddana waxwalba way dhacaan aniga iyo Muuse-na siddii hawshaasi u dhacday ismaanaan arag , hadaan u haniyayn lahaa hadaan ku dhisi lahaaba wali ismaanu arag , wali waanu kala maqanahay Halkan Washington ayey ugu dhawayd haddaanu shirkan wada fadhiyi lahayn oo uu inagala soo qayb gali lahaa annaga oo isdhun-dhunkanayna ayaad na arki lahaydeen”

Cabdicasiis Samaale waxa uu dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu bushaareeyey in dhawaan la arki doono khilaafkii oo meesha ka baxay iyo wada jir loo wada hawlgalo, “isaga(Muuse Biixi) iyo kooxdeenii kaleba insha allaah marka dalka laysugu soo wada noqdo anaga oo gacmaha ishaysana ayaad arki doontaan insha allah” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah siyaasiyiinta saamaynta badan ku dhex leh Somaliland, ayaa in muddo ah ku maqnaa khilaaf ka dhashay shirweynihii xisbigu ku doortay musharrixiinta jagooyinka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxase hadalkiisani muujinayaa sida qaan-gaadhnimada leh ee uu doonayo in la maareeyo tabashooyinka ka soo baxay shirkaas