WAR DEG DEG AH DAAWO BADHASAABKA GOBOLKA TOGDHEER OO KA HADLAY KHILAAFKA GOLAHA DEEGAANKA EE DEGMADA BURCO O MEEL ADAG MARAAYA.

0
288

Burco(Ceelgardinews.com) Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadam (Qabbo) oo ay Wehelinayaan Xubnaha Gudida Nabad gelyada ee Gobolka Togdheer oo Warbaahinta La hadlay ayaa waxa uu Badhasaabku Ka Hadlay Khilaafka Xadhkaha Goostay ee Labada Dhinac u kala Jabiyey Golaha deegaanka ee Degmada Burco, Waxaana badhasaabku sheegay in ay Kulan la qateen Garabkii Maalintii shalay ahayd doortay Maayirka Cusub isla markaasina ay isku afgarteen in ay Gudida nabadgelyada ee Gobolku arintaasi Xalkeeda Raadiso.

Badhasaabka Ayaa waxa uu Digniin Warbaahinta u mariyey Labada Garab isagoo Sheegay in aan Midna warbaahinta Ka Hadli karin inta Xal laga Gaadhayo Khilaafkani Ka Dhextaan golahii Bulshada Reer Burco u dooratay in ay Hagaan Masiirka umada Reer Burco.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaasi