Hambalyo : Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee somaliland oo Dhambaal Hambalyo ah u direy Shacabka Somaliland.

0
305

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) Hambalyo : Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee somaliland oo Dhambaal Hambalyo ah u direy Shacabka Somaliland.

wsWasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah mudane Dr Cumar Shucayb Maxamed  ayaa munaasibada Ciidal Adxa-da awgeed duco iyo hambalyo u diray dadka Islaamka iyo shacabka Somaliland gude iyo dibad-ba,  Wasiirka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shacabka Somaliland ay ku ciidaan Munaasibada Ciidal Adaxda-da awgeed nabadgelyo.

Wasiirku waxa uu Shacabka u rejeeyey in Ciiddan Ciiddeeda Illaahay ku gaadhsiiyo Nabad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad, Raynrayn, Midnimo iyo Ictiraaf buuxa, waxaanu yidhi.

“Waxaan leeyahay Allaah Acmaasha Ciidda ha innaga aqbalo, Guud ahaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Bulshada Somaliland meel kasta oo ay dalka iyo dibeddaba ka joogaan waxaan leeyahay Hambalyo Kulli Caam Wa Antum Bil-khayr. waxaan si gaara Hambalyo ugu dirayaa dhamaan shaqaale waynaha Wasaarada Ganacsiga iyo Qoysaskooda oo aan leeyahay Allaah Ciiddan Ciiddeeda ha innagu gaadhsiiyo Farxad, Badhaadhe, Nabad, wada-jir, Caafimaad iyo Ictiraaf buuxa,amni iyo iimaan,Waxa aan ilaahay ka baryayaa in uu maalmaha Khayrka leh ina waafajiyo oo acmaasha wanaagsan inaga aqbalo.” .

Allaa Mahad leh.