Hargeysa: Nin Naftiisa Iyo Saddex Caruura Oo Uu Dhalay Ku Gubay Gurigii Ay Ku Jireen

0
362

Hargeysa (Ceelgardinews.com) Saddex caruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay kaddib markii uu dab qabsaday gurigii ay deganaayeen, iyadoo Aabahoodna uu dhaawac helis ahi ka soo gaadhay dabkaasi. Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Cabdillaahi Fadal iimaan oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in saddexda caruurta ah oo ka ugu da’da weyni uu ahaa 12 sano ayna kala ahaayeen labo gabdhood iyo wiil. Shilkan ayaa ka dhacay agaga gaarka iddaacada Radio Hargeysa abaaro 9 kii subaxnimo ee maanta ayaa Taliyuhu sheegay in dilka caruurtaasi lagu eedeynayo aabahood oo xanuunka dhimirka qaba, kaas oo la sheegay in uu guriga isku soo qufulay isaga oo ay caruur weheliyaan uuna dab qabadsiiyay. Boliiska denbi-baadhista ayaa baadhitaan ku haya shilkaas naxdinta leh.

Wara rasmi ah oo aanu ka helnay masuuliyiinta cusbitalka guud ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey ay jirto soona gaadheen saddex caruura oo mayd ah iyo Aabohood oo dhaawac ah, ka dib markii uu guriga ku gubay aabahaasi saddexda caruura oo ay hooyadood ka maqnayd, halkaasina ay ku naf waayeen.

 

Hargeysa1