MAXKAMADA CIIDANKA S.LAND OO XUKUNO DIL AH KU RIDEY 8 NIN OO KU EEDAYSNAA DILKII TALIYAHII QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA SAAXIL+QAREENKOODII OO GANAFKA KU DHUFTEY+XUKUMADA OO FULINTA QISAASTA QORSHEYNAYSA INEY SAXEXAAN WASIIR SACAD,CALI DHAGOOL+CALI GADHEER

0
288

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee somaliland ayaa dil toogasho ah ku riday siddeed nin oo ku eedaysnaa in ay ka dambeeyeen dilkii alle ha u naxariistee taliyihii qaybta booliska ee gobolka saaxil Marxuun Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf.

Xukunka siddeedan nin waxa xaqiijiyey taliyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee somaliland Koroneyl Yuusuf Faarax Sharma’arke.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida waxa uu sheegay in siddeed nin oo kale lagu xukumay midkiiba toddoba sano oo xarig ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada ceel-garde sanadkan bilowgiisii.

Qareenka difaacayay Eedaysanayaashan lagu xukumay dilka iyo xabsiga dheer Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi  ayaaxukunkan ku sifeeyey mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan

Waxa uu intaasi ku daray in dadkan oo dhammaan ah dad rayid ah aanay maxkamad milleteri sharci u lahayn inay qaaddo dacwadooda.

Qareen Maxamed Jaamac Cabdi waxa uu caddeeyey in ay maxkamadaha sharciga u leh u qaadanayaan Rafcaan.

Dhanka Kale Wararka Madaxa banaan ee na soo gaadhaya ayaa Tibaaxaya in Rafcaan qaadasho aan laga ogolaaneynin Qareenka u doodaya Eedaysanayaashan, waxaana xogohu ay intaasi ku Darayaan in Xukumada Somaliland ay ka go’antay Fulinta Xukunadan Dilka ah ee lagu Xukumey Edeysanayaashii Loo Tuhunsanaa Dilka Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil,Marxuum Gashaanle Caseyr, islamarkaasina Waxay xogohu ay  si raaciyeen in Xukumadu ay wado qorshe lagu Fulinayo Qisaasta Dilka 8 nin ee la Xukumey oo 3 kamid ahi ku jiraan Xabsiga, halka 5 kalena ay maqane yihiinbaxsi,iyadoo la fulin doono xukunkaasi,

kuwaasi oo xogohu Tibaxeen in Ay Saxeexi doonaan Qisaastooda Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wasiirkuxigeenka Warshadaha oo Cali Dhagoole,Wasiirkuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, hayb ahaana ay wadagaan nimankan Xukunkan dilka ah lagu ridey.

Abdirashiid Maxamed Ahmed

Freelence Journalism

Xigasho Oodweynenews.com