Berbera (Ceelgardinews.com) Qormadii tan ka horreysay waxa aynu si sar-ka-xaadis ah ugu wadaagnay qoraal kooban oo ku saabsanaa dekadda Berbera iyo horumarka ka socda muddadii uu xilka Maareeyenimo hayey Inj.Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor), waxaana aan jeclaystay in aynu mar kale si fayow oo maangal ah aynu u wadaagno qoraal xidhiidh u ah taxanaheenii hore ee horumarka dekadda Berbera iyo booqashadeydii!!.
Sugidda Amaanka Dekadda Berbera:
Dekadda Berbera oo runtii ah dekad aad u baaxad weyn isla mar ahaantaana si weyn uga qeyb-qaadata firfircooni gelinta hawlaheena dhaqaale ee wadanka, waxa ugu horreyn intii aan ku sugnaa si xooga ii soo jiitay nidaamka amaanka dekadda Berbera oo ah mid aad u sarreeya isla mar ahaantaana noqon kara mid si buuxda u dammaanad qaadaya illaalinta iyo xafidaada adeegyada ganacsi ee lagaga adeeganaayo dekadda magaalada Berbera, maadaama oo ay yaalaan adeegyo aad u tira badan sida oo kalena ay ku soo xidhnaan Maraakiib aad u waaweyn oo u baahan sugidda amaankooda mudada ay ku sugan yihiin dekadda Berbera.
Qaabka sugitaanka amaanka dekadda Berbera, waxa uu ka kooban yahay nooc kala duwan oo casri ah, waxaana ka mid ah waxyaabaha aadka ii soo jiitay in aan indhahayga ku soo arkay in halkaas ay jiraan qalabyo casri ah iyo adeegyo baadhitaan oo si hufnaan ah u suurto-gelinaaya kor u qaadidda amaanka dekadda magaalada Berbera.
Fududeynta Hawalah Shaqada:
Had iyo jeer waxyaabaha kale ee iyaguna firfircooni geliya adeegsiga dekadaha, waxa ugu horreeya waxyaabaha dhiiri-gelinaaya in si habsami ah oo fudud ay u socdaan hawlaha shaqo ee dekaddu, waxaana aan indhahayga ku soo arkay nidaam hawleedyo aad u baaxad weyn oo suurto-galinaya siddii ay hawlaha dekaddu u noqon lahaayeen kuwo u socda si habsami ah oo aanay mar qudha mashquul gelin, sida oo kalena aanay Maraakiibta ku soo xidhanaysaa u dareemin cidhiidhi baaxaddeed iyo mashquul toona.
Waxaana dekadda Berbera jooga shaqaale marka aad aragto aad dareemayso in ay si hufnaan ah ugu carbisan una tabobaran u adeegidda iyo qancinta macaamiisha kala duwan ee had iyo jeer ku ka adeegta dekadda magaalada Berbera, iyaga oo dhammaantood Maareeye illaa Xamaalka hoose ka siman suurto-gelinta iyo kor-u-qaadidda hufnaanta adeeg ee dekadda Berbera ay ugu adeegayso macaamiisheedka kala duwan ee iskaga kala yimi dalka iyo jaararkaba.
Adeegyada kale ee hufnaanta ah ee dekadda aad ku arkayso waxa iyaguna ka mid ah qalabka rarka iyo soo dejinta adeegyada ganacsi ee Maraakiibta saaran ama la saarayo oo iyaguna ah kuwo aad u casriyeysan isla mar ahaantaana fududeynaya shaqada iyo guud ahaanba hawlaha dekadda Berbera, waxaana dekadda Berbera ay si caadi ah u isticmaashaa noocyada ugu casrisan isla mar ahaantaana ugu tayada iyo waxqaadista badan wiishashka loo adeegsado adeegyada xamuulka ah ee aadka u miisaanka culus leh.
La soco…….!!!.
Ha socot oo ha samaato Somaliland!!.
Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
khadargurayte@gmail.com
Berbera/Somaliland