Intaan_Kalluunka_ka_shaqaynayay_waxaan_dareemay_isbadal_aad_u_wanaagsan

0
387

“#Intaan_Kalluunka_ka_shaqaynayay_waxaan_dareemay_isbadal_aad_u_wanaagsan”

Faadumo waa hooyo ka ganacsata iibinta kalluunka, waxaanay ka mid tahay dumarka kalluunka ku iibiya suuqa kalluunka ee Burco. Fadumo waxay markii hore iibin jirtay #Qaadka.

‘Iibinta qaadku waxay ahayd shaqo aad u dhib badan, waxaan shaqayn jiray ugu yaraan 15 saacadood maalin kasta, wakhti fiican umaan heli jirin qoyskayga iyo carruurtayda sidoo kalena dhaqaale fiican ima soo gali jirin,’ ayay tidhi Faadumo.

Faadumo oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay hadda shaqayso ugu badnaan 6 saacadood dhaqaale kii hore ka fiicana soo galo ayna sidoo kale heshay wakhti fiican oo ay qoyskeeda ku daryeesho.

Waxay Faadumo hadalkeedii ku sii dartay ‘aad bay u mahadsantay haayada #FairFishing ee noo dhistay sariibadan kalluunka iyo #EU da oo maalgalisayba’. ‘Waxaan sidoo kale FairFishing uga mahadnaqayaa tababarada kalluunka ku saabsan ee ay na siisay iyo dhamaan wixii kalee taageera ah ee ay noo fidisay, waxaanan rajaynayaa inay noo sii kordhiso taageeradaas’ ayay ku soo xidhay hadalkeedii.

#FRESH_FISH
#HORN_OF_AFRICA
#Cool_Clean_and_taste

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here