TALIYE SAREEYE TAANI WAA HANTI QARAN WAANA ILAALIYAHA SOMALILAND

0
411

 

Sida lawada ogsoonahay Ummad kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu qoro Diiwaankeeda, taasoo ka turjumaysa maraaxilkii kala duwan ee ay soo mareen, si ay ummaduhu uga faa’idaystaan dhib iyo dheef wixii ay lahayd, uguna dabakhaan horumarkooda dhaqan dhaqaale iyaga dib u milicsanaya sixitaanka hadba wixii hagardaamo soo maray si ay uga taxadaraan casharadii ay ka barteen waqtigiyadii la soo maray.

Haddaba, Ummada Somaliland waxay soo martay maraaxil kala duwan oo taariikheed oo qadhaadh iyo macaanba lahaa loona baahan yahay in looga faa’idaysto masiirkeena hadda taagan.

Sidoo kale hoggaamiye kasta ama masuul kasta oo xil ka soo qabtay Somaliland wuxuu dhiilka ugu tagayaa wixii uu dhigtay, taariikhduna iyadaa is qorta ee lama qoro, waxana hore loo yidhi; “Been ma sheegto Taariikhdu, Ma Bukooto Taariikhdu, Mana Baqato Taariikhdu”.

Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay waxay buuxisay dhamaan shuruudihii Dawlad-nimo, waxay leedahay Calan, Lacag, Xudduudo iyo Ciidan Qaran.

Shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo dhismaha dal kasta oo buuxiyey astaamihii haykalka Dawlad-nimo waxa ka mid ah Inaad sugto xuduudahaagga oo ayna cid kale ka talin Si kastaba ha ahaatee waxa waajib inugu ah in la isku ixtiraamo nidaamka dawladeed ee aynu samysanay oo aan ahayn mid hadiyad la inoo siiyay balse ku yimi halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray sidaa daraadeed waxa wanaagsan in la qiimeeyo masuul kasta oo aynu xil u igmano darajaduu doono ha lahaadee waxqabadkiisa laguna amaano wixii waajibaadkiisa ah ee uu fuliyo si uu helo dhiirigalin wixii khalad ah ee uu la yimaadana la saxo oo gees la iska dhigo danaha gaarka ah.

Cutubkii u horeeyey ee Ciidanka Qaranka, ayaa waxa la aasaasay 2-dii Bishii Feberuary ee sanadkii 1994-kii, markaas oo la qarameeyey Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee Beelaha iyo dagaalyahanadii Ururka SNM oo u badnaa Ciidan Tababaran.

Hadaba waxaan la socona in Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani in uu yahay SEESKII iyo TIIRKA Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland mudo ku dhow 20 Sano ayuu ahaa Taliyaha ciidanka qalabka sida Malintii Madaxweyne Daahir Riyaale u dhiibey ciidanka xoogga Dalka Somaliland ilaa maantana isaga haysta hadaba maxaa keeney inuu haysto Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland mudo ku dhow 20s sano????.

Maalintii Sabtidii10/09/2002 Laascaanood, markii uu booqday madaxwaynaha Soomaaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayey ayeey ka tageen Laascaanood.markuu Ka dib dagaalkii ka dhacay.

Maalintii laga bilaabo Madax weyne Daagir Riyaale wuxuu bilaabey dhismaha Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland waxaana taliye u ahaa Daljie Taani,

Ilaa Maanta Dowlad iyo Madaxweyne ka ,aarmi kara ma jiro waa ASTAAN QARAN iyo HANTI QARAN LEEYAHAY Gaas Nuux Ismail Taani

Riyaaye,Siiranyo iyo Biixi midna ma badali karo waxa uu Somaliland u qabtey iyo ciidanka uu dhisey bal u fiirso.

-Wuxuu dhisey oo maanta kuu diyaara Ciidamada Somaliland (Ciidanka Qaranka) Somalilanad waxa ay leedahay ciidan militari oo si habaysan u tababaran kaas oo ah ilaaliyaha koobaad ee ciida somaliland. ciidamada somaliland waxa ay fadhiisimo iyo saldhigyo ku leeyihiin dhamaan wadanka. ciidamada somaliland waxa ay leeyhiin dhamaan qaybaha ciidan ee wadan yeesho. waxaa sharci ahaan loo ogolyahay dadka wixii kawayn 18 ilaa 49 ciidanka melatariga somaliland waxa lagu qiyaasaa ilaa15,000 oo askari  mulatariga somalind waxaa uu ku qalabeysan yahay qalab ciidan oo dhameystiran sida taangiyo ,baybey ,baabuurta gaashaman ,qoryaha lidka diyaaradaha ,noocyada PM ka ,Hubka fudud iyo ka culusba  tabarada ciidamada melatariga somalind waxay kusoo kala qaatan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ciidanka warmly wuxuu leeyahay cusbitaalo lahi daryeelo ciidanka it’s xaasaskooda it’s caruurtooda health dhamaan xuduudaha iyo ciida somaliland waxaa ilaaliya masuulna ka saaran yahay si fiican waajibkooda u guta ciidanka qaranka J.Somaliland ciidanka warmly sidoo kale wuxuu leeyahay cusbitaalo dhakhaatiir aqoon sare ulleh

-Wuxuu dib isagu furfurey Babuurta Gaashaman ee madfac ilaa Beebee leh ilaa 560 xabo.(EE SIYAAD KA TAGEY).

–Ciidankiisu waxay leeyihiin tababar la mid ah ciidanka adduunka.

-Daryeelka Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland waa mid aad uu u daryeelo.

-Wuxuu Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland kala dagaalamey QAADKA iyo Balwadda Ku bushaareyso daljiroow inaan ciidamadu qaad cunin 80%,

-Darajadii ayuu ciidanka u sameeyey.

-Wuxuu u diyaariyey in Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland saadkoodu iyo rasaastoodu wadi karto 10 Sano.

-Wuxuu intaa qasab kaga dhiga Madaweynaha in Qalab Casriya la soo iibiyo.

Waxyalaha mucjisadda leh waxa ka mid in maanta uu Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani uu runta u sheegey ciidan qabiil ku dhisan oo u talaabey PUGLAND ciidan aad MUSHAR,HUB,SAAD IyO DARYEED aad siineyso hadana cadowgaaga kuu soo raacaya,amarna aan ka qaadaneyn soo maaha inaad u mahad naqdo markay kaa tagaan ileen walba DHAN_XIIR bay ahayeene.

Taani ciidan ayuu ka hadley iyo dhanxiir. Awguulyo ayay leeyihiin wixii Somaliland jecel jiritaankeedda.

Maanta Somaliland waa amni kol hadaanu nin cadowi dhex joogin midnimadda .wada jirka iyo jiritaanka Somalind waa mid gaadhey 98% waxaana keeney gobalka buuhoodle ee maanta gacanta Somalind uu soo galiyey Daljire Xaglo-Toosiye.

Waxa uu maanta reer Somalia si cad oo cadceeda u tusey inaan niman Somalind ah dibada laga soo diri karin.wuxu tusey in shicibka reer Somaliland nabad ku seexdaan.

Ciidamadda  Xoogga Qaranka Somoliland  wuxu u quus gooyey kooxihii sida indho-la’aanta u soo fargelin jirey soohdimaheena wuxuuna u hiiliyey dalkiisii waa geesi sharfey Somalind isna waa in ummadda iyo Somalind sharfaan waa astaan qaran TAANI.

Sidaa Daraadeed waxa habboon in aan siyaasada lagu dhex qaldin hawlaha Ciidanka oo ah qaar u dhex mucaarid iyo muxaafid-ba, waxana loo baahan yahay in la kala saaro danaha gaarka iyo waajibaadka ciidanka, lala soo gelin Ciidanka.

Akhriste waxaad iiga marag tahay in Daljire Taani si masuuliyad iyo Daacad-nimo ku jirto uu u gutay xilkii loo idmaday, waxa la odhan karaa wuxuu noqday masuulkii ugu horeeyey ka tiran Dawlada Somaliland ee ka turjumay rabitaankii Bulshada, ku dayasho ayuuna mudan yahay waxaanu inaga gudooman yahay sharf, bilad Geesi iyo shahaado sharaf, taariikhda ayaana sheegi doonta wax-qabadkiisii.

Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani waa in TAALO loo dhisa isagoo nool oo la tusaa in taanu dhiman wuxuu gashadey Somaliland.

ILAAHAY HA DHOWRO DALJIRAYAASHA SOMALIND

.Qallinkii .Mahad Cali-Salaan

Bristol

mahadpobox@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here