Isbahaysiga Kulmiye oo Ku Hawlan Tallaabooyin Xididada Loogu Siibayo Musharrax M. Biixi+ Madaxtooyadda oo Ogollaatay in Dib Loo Qabto Shirka Golaha Dhexe+ Xildhibaan Waabeeye Iyo C/raxman Talyani oo Maxkamada Geynaaya Dacwad Ka Dhan ah Gudoomiye Muuse

0
319

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Isbahaysiga Kulmiye oo Ku Hawlan Tallaabooyin Xididada Loogu Siibayo Musharrax M. Biixi+ Madaxtooyadda oo Ogollaatay in Dib Loo Qabto Shirka Golaha Dhexe+ Xildhibaan Waabeeye Iyo C/raxman Talyani oo Maxkamada Geynaaya Dacwad Ka Dhan ah Gudoomiye Muuse

Xubnaha Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka Kulmiye ayaa ku hawlan tallaabooyin ay xididada ugu siibayan Musharraxa jagada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isla markaana baabulayaan inuu shirka golaha dhexe ee Kulmiye dib u qabsoono, isla markaana lagu doorto hoggaanka

Hargeysa(Xogreebnews)-Xubnaha Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka Kulmiye ayaa ku hawlan tallaabooyin ay xididada ugu siibayan Musharraxa jagada madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, isla markaana baabulayaan inuu shirka golaha dhexe ee Kulmiye dib u qabsoono, kaasoo lagu doorto hoggaanka sare ee Xisbiga iyo Musharraxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Doorashadda soo socota.

Sidoo kale, wararka u dhuundaloola dhaq-dhaqaaqa Xubnaha isbahaysiga Kulmiye oo ay heleyso shabakadda Xogreebnews waxa ay sheegen in Xubnaha Isbahaysiga oo ay hoggaaminayan Gudoomiye Ku-xigeenada 2aad iyo 3aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Yuusuf Waabeeye iyo Cabdiraxman talyani ay dacwad ka dhan ah Gudoomiye Muuse Biixi u gudbinayaan Maxkamadda Sarre ee Dalka, iyagoo ku dacweynaaya sharci ku tumasho iyo xadgudub awoodeed oo uu ku kacay Gudoomiye muuse Biixi, isla markaana uu ku gafay shurucda Xisbiga Kulmiye, waxana la sheegay in dacwadoodu salka ku hayso sharci jabin ay ku eedeynayaan iyo jaho-wareerin shacabka uu ku riday maadaama oo aanu awoodin inuu xilka qaadis ku sameeyo gudoomiye ku-xigeenada Xisbiga Kulmiye oo lagu doorto Shirweyne Xisbi, iyadoo sidoo kale lagu doorto kalfadhi uu yeesho golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Geesta kale, madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ogollaaday in dib loo qabto kalfadhi golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye dib ugu dooranayaan hoggaanka sare iyo sidoo kale, Musharraxiinta mustaqbalka ee Xisbiga Kulmiye, waxana la sheegay inuu ka aqbalay dalab ay u gudbiyeen xubnaha isbahaysiga Kulmiye, kaasoo salka ku haya in dib u saxid lagu sameeyo xisbiga kulmiye si meesha looga saaro turxaanta ay kala tirsanayaan garabyada Kulmiye.

isbahasiga

Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinka ay ku hawlan yihiin xubnaha isbahaysiga Kulmiye ayaa dhabar-jab ku noqonaaya Musharraxnimada Gudoomiye Muuse Biixi, sidoo kalena waxa au tilmaamaysaa arrimahani in madaxtooyaddu ka gilgilaneyso ilduuf hore oo Gudoomiye Muuse Biixi ay ugu eexdeen,hase-yeeshee, waxa muuqata inay hadda isku soo jeesteen, kaddib markii ay oggaadeen taageerada Muuse ee shacbiga, isla markaana ay suuro-gal tahay inay madaxtooyaddu ka quusatay inuu muuse Biixi guul keeni karo iyo in kale. Waxana la filaya inay maalmaha soo socda gudbiyaan labadan Mudane dacwada ay kaga dareen celinayaan in aanu Gudoomiye Muuse Biixi Xilka qaadis ku sameyn karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here