GUDDOOMIYE CIRRO OO KULAN QARSOODI AH NAIROBI KULA YEESHAY SAFIIRKA SOOMALIYA U FADHIYA KENYA IYO MAGACYADA SARAAKIIL XISBIGIISA KATIRSAN OO UU FIISAYAAL MARAYKAN AH U DALBADAY

0
323

Nairobi (Ceelgardinews.com)  Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa kulan qarsoodi ah xarunta dalka Kenya ee Nairobi kula yeeshay safiirka dawladda Federal-ka u fadhiya Kenya Md Jamaal Xasan, waxana kulankaas kasoo baxaya warar kala duwan oo qaddiyadda Somaliland dhabar-jab ku ah.

Safarka guddoomiye Cirro oo ahaa mid qarsoodi ah, isla-markaana aanu wax faahfaahin ah ka bixinin, ayaa xogaha kasoo baxayaa sheegayaan inuu salka ku hayey  ballamo hoose oo uu la  lahaa saraakiil katirsan maamulka Muqdisho, kuwaas oo uu kala xaalayey arrimo badan  oo dhinaca siyaasadda iyo taageere dhaqaale u badan oo uu xisbigiisa u raadinayey u badan

cirro-safiirka-soomaaliya

Sida qaar katirsan saraakiisha safaaradda Soomaalidu ku leedahay magaalada Nairobi warbaahinta u xaqiijiyey, waxa guddoomiye Cirro dadkii uu kulamada la yeeshay kamid ahaa Jamaal Xasan oo ah safiirka dawladda Federal-ka ah u fadhiya Nairobi, waxana  ay labada masuul ka wada hadleen sidii  uu safiirku u abaabuli lahaa jawi  is af-garad iyo kulamo dheeri ah oo uu guddoomiye cirro la yeesho madax sare oo dawladda Xasan sheikh  katirsan.

Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale kulanka uu la yeeshay sariirka Soomaaliya ee Nairobi waxa uu ku faahfaahiyey inuu baahi weyn u qabo xidhiidh furan oo uu la yeesho madaxda sare ee Dawladda Federal-ka Somalia iyo waliba safiirada kala duwan ee ku magacaaban dalalka yurub iyo Maraykanka, si ay uga saacidaan arrimaha socdaalka ee saraakiisha xisbigiisa katirsan oo ay haatan dhibaato badani ka haysato dhinaca  safarrada dibadda.

Baahiyaha ugu waaweyn ee uu guddoomiye Cirro safiirka uu kulanka la qaatay u bandhigay, ayaa waxa kamid ahaa sidii uu safiirku uga hawlgeli lahaa dal-ku-galyo(visas) uu u doonayo saraakiil xisbigiisa WADDANI katirsan, kuwaas oo uu doonayo inay u baxaan dalal dibadda ah.

Xubnaha uu guddoomiye Cirro  safiirka ka dalbaday inuu fiisayaal u raadiyo, ayaa waxa kamid ah Afhayeen Ibraahim Buubaa, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi(xamarji) iyo waliba xubno kale oo xisbiga WADDANI  katirsan, kuwaas oo u waayey hannaan kale uu fiisayaal maraykan ah ugu helo.

Safiirka, ayaa guddoomiye Cirro u sheegay inuu intii karaankiis ah ka saacidi doono helitaanka fiisayaashaas iyo waliba dalabyo kale oo qarsoodi ah oo dhinaca xidhiidh dhaw oo uu guddoomiye cirro ka dalbaday maamulka Muqdisho ah, waxana loo ballamay in kulamo dambe la iskugu soo noqdo, isla-markaana xidhiidhka la joogteeyo.

Guddoomiye, ayaa kulankaas ku muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu abuuro jawi isu soo dhawaad oo dhexmara isaga iyo madaxda Soomaaliya, kaas oo uu safiirkuna hormood ka noqon doono.

Kulanka  uu guddoomiye Cirro la yeeshay safiirka dawladda Somaliya u fadhiya magaalada Nairobi, ayaa ah mid dhabar-jab iyo ceeb ku ahaa qaddiyada Somaliland, isla-markaana muujiyey danaha uu guddoomiyuhu hoosta ka wato oo ah qaar ka horiminaya rabitaanka shacabka reer Somaliland iyo goonni-isu-taagoodaba.

Sidoo kale  waxa uu markhaati ka yahay warar hore oo sheegayey in guddoomiye Cirro iyo xisbigiisu xidhiidh dhaw la leeyihiin dawladda Somalia, kaas oo ka mid ah boogaha ugu waaweyn ee xisbigaasi leeyahay, dadkuna uga shakisan yihiin.cirro-safiirka-soomaaliya