Jabuuti: Qofkii Koowaad Oo Laga Helay Caabuqa Coronavirus

0
313

Jabuuti (CN) – Gudaha dalka Jabuuti, waxa laga helay Qofkii ugu horreeyay ee qaba Caabuqa Coronavirus.

Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo Qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Qofka laga helay Caabuqa Coronavirus uu u dhashay Dalka Spain isla-markaana uu Dalka Jabuuti yimid 14-kii March oo ahayd Sabtidii Toddobaadkan.

Jabuuti ayaa ka mid ah Dalalka Xuduudka la leh Somaliland. Caabuqa ayaa hore looga helay Dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya oo ka mid ah Dalalka Geeska Afrika.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here