JAMAAL CALI XUSEEN OO WARAABE-U-TAAG KU TILMAAMAY FEYSAL CALI WARAABE, KHILAAFKA UCID-NA KULA EERTAY MUUSE BIIXI IYO GANACSADE MAXAMED AW SICIID

0
315

Falanqayn Ka shidaal qaadanaysa Labada Mawqif Ee Ay Jamaal Iyo Muuse Kusoo Kala Dhawaysanayaan Beellaha Somaliland

“Waa Dhaqan Siyaasadeed Aanan Weligey Hore U Arag In Iyadoo Aanu Ogayn Guddoomiye Muuse Biixi In Uu Burburinayo Xisbiga UCID, [Haddana] Maanta YidhaahdoWaxaan Samaynayaa Musharrax Waraabo-u-taag Ah”

Murashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magalaada hargeysa ayaa ka hadlay faragalin uu sheegay inay xisbiga UCID ku hayo gudoomiye Muuse Bixii iyo ganacsade Ina Aw Siciid waxaana uu ugu baaqay inay faraha kala baxaan xisbiga. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi. “iyada oo aynu awalba ogayn oo cid walba aanay ka qarsoonayn in gudoomiye Muuse burburinayo xisbiga UCID sidii uu usoo burburiyay xisbiga KULMIYE, oo sidii uu marba u lahaa hebel iiga reeba inuu maantana damcay inuu yidhaa xisbiga UCID waxaan ka samaysanayaa musharax waraabow-taaga, waana dhaqan siyaasadeed aynaan waligeenba arag oo ay ka muuqato digteetarnimo iyo cagojuglayn iyo afduub dimuqraadiyadeed”sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay. “Musharaxnimadayda Muuse ma badali karayo afkiisa kuma badali karaayo, iyo waxii ay taageerayaasha xisbiga UCID ay doorteen, waxaanan leenahay Muusow adigu cidaad doonayso kula tartami mayso, xisbiga Ucid cidii ay caleemo saarto uunbaa kula tartamaya ee raganimadaada isku soo istaaji” Sidaas ayuu yidhi Aqoonyaha Jamaal cali Xuseen. Dhanka kalena aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka hadlay suldaan dhawaan lagu caleemo saaray magaalada hargeysa oo uu ku eedeeyey inuu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi dabada ka riixayo waxaana uu yidhi “Waxaad ogtihiin in maalin dhawayd magaalada hargeysa lagu caleemo saaray suldaan Waraabow-taaga oo uu isagu ka dambeeyey oo xisbiga KULMIYE-na uu qirtay oo uu yidhi cadaabaha Ayaan ka waraabinaynaa cidii hor istaagta, waa waxyaalo ugub ku ah siyaasada Somaliland, suldaanka uu kazoo horjeedaana Muuse-na waa suldaankii halkaa keenay ee maanta kursiga saaray ee yidhi codka hala siiyo”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Falanqayn

Geesta kale Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo labadooduba dhalasho ahaan kasoo jeeda beel kaliya ayaa ku kala aragti duwan kasbashada taageerrada guud ahaan beellaha Somaliland gaar ahaanna beesha Subeer Awal oo in dhawaaleba kala qaybsanaani kamuuqatay, Sida laga warqabo dhawaan siyaabo kala duwan uga hadlay xadhiga koox salaadiin iyo madax dhaqameed ah oo xukuumaddu xabsiga u taxaabtay kadib dhacdo lagu weeraray goob diiwaangelineed oo ku taallada degmada Lughaya. Salaadiintaas oo illaa immika ku xidhan xabsiga mandheera ayaa Musharraxiintan labada xisbi siyaabo kala duwan uga hadleen. Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maalin kadib xadhigii salaadiintan warbaahinta la hadlay waxaa uu badhitaaray eedaha ay xukuumaddu u hayso oo ahaa in ay abaabuleen weerar ka dhan ah goobtaas, waxaanu Muuse Biixi dhacdo ugub ah ku tilmaamay in salaadiin nabaddoono ah loo xidho arrimo khalkhal gelinaya amniga ama isaga oo dablay hubaysan taageeraya. Taas bedelkeedana waxaa uu musharrax Jamaal Cali Xuseen oo dalka dibadiisa ku maqnaa markii la xidhxidhay madax dhaqameedkani uu xambaareeyey xadhigooda isaga oo markii uu dalka ku soo laabtayna xabsiga ku booqday. Waxaana mar uu warbaahinta la hadlay uu sharci darro iyo xaq darro ku tilmaamay in madax dhaqameed danaha deegaankooda u hawl galaya oo masiirka dadka ay cumaammada u hayaan cabiraya looo geysto cabudhin iyo xadhig. Aragtiyahaa aynu tusaallaha u soo qaadanay ee labadan masuul ee madaxtinimada u heellan ayaa dadka siyaasada u dhuun dalloollaa ku cabireen kuwo saamayn togan iyo mid taban ku kala yeelan karaysa codka iyo cududa ay ka quudaraynayaan in ay bulshada iyo beellaha kale ee Somaliland ka helaan, iyada oo go’aan qaadashada ay beelluhu ku xidhayaan codkoodana kaga taamila qaadan doonaan musharraxa ay ku qancaan in uu isku waddi karayo bulshada, si kale haddii loo dhinaca marka ay noqoto saddexa xisbi qaran ee dalka waxaa beellaha Somaliland marka laga reebo beesha Subeer awal ay taageerrada Jamaal iyo Muuse kaga shidaal qaadanayaan hadba sida ay ugu kala jajabnaadaan danaha beellaha kale.