URURKA HORSEED OO TAAGEERAY MUGLE LA GARAB JOOGSADAY SULDAAN XASAN SULDAAN CABDILAHI SULDAAN CABDIRAXMAAN SULDAAN DIIRIYE

0
305

Hargaysa (Ceelgardinews.com) -Gudoomiyaha ururka wadaniga ah ee Horseed Md Claawi Cabdi Gaboobe aya taageero laxaad leh Oo weyn uu muujiyey suldaanka guud ee beelaha Zubeer Awal Sul. Xasan Sul. C/laahi

Sul C/raxmaan , isla markaana soo dhaweyay goa’anadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay

Shirweynihii aan Caadiga ahayn ee daldoorka iyo wax-garadka beelaha Zubeer Awal ee

22.Feb.2016Ee ka dhacay Hotel Xaraf ee caasimada qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee

Hargeysa .

Warsaxaafadeed uu guddoomiyaha Horseed soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Waxa wax lagu farxo ah sida ay haldoorka iyo wax garadka beelaha Zubeer AWal ay uga Dhiidhiyeen uguna gurmadeen uuna hiliyeen , isla markaana ka difaaceen saldandooda iyo Boqortooyadooda isku daygii dhagareesna ee lagu soo qaaday maalintii dhaweyd.

Waxa la wada ogyahay in cidii waxaasi ka danbeysay inay ceeb iyo fashilaadi ka raacday aanay Beryahan-ba` ka soo kaban doonin.

Waxaanu halkan ka cadaynayna inuu Suldaanka guud ee beelaha Subeer Sul. Xasan Sul C/laahi Sul C/raxmaan uu yahay nin uu dooda oo si wanaag-san uu metela mawqifka , xuquuqda iyo Rabitaanka dadka uu suldaanka uu yahay , arintaasi oo uu abuurtay colaad iyo dagaal kaga Yimaada kuwa ka soo hor jeeda , waxaana la doonaya mid iyaga uu adeega , mana dhacayso taasi.