Ka Digtoonow Duufanada La Rabo In Lagu Shaasheeyo Guulaha Qaranka JSL…

0
366

Ka Digtoonow Duufanada La Rabo In Lagu Shaasheeyo Guulaha Qaranka JSL…!
—————
Jamhuuriyada Somailland maaha qurarad jabaysa, waxanay ku timid rabitaanka shacabka Reer Somaliland. Dawladna kuma kacdo waxan shacabkeedu raali ka ahayn, hadii ay dhacdana cawaaqib xumo ayay keenta iyo burbur. Madaxweyne Biixi shacabka ayaa soo doortay si xor ah mana aha masuul looga biqi karo wax hadimo ku ah Qaranka JSL. Shacabka dareenkooda in muujiyaan way fiican tahay lkn waa inaan cadowgu inaga faaiidaysan oo aynu meel uga soo wada jeedsana shakhsiyadka danta leh ee raba inay bulshada shaki ku abuuraan.

Isbadalada siyaasadeed ee ka socda mandaqada geeska Africa saamayntoda ayay leeyahin xukuumadeenu iyadoo ka duulaysa jiritaanka iyo madaxbaninada Qaranka JSL waxay ka ciyaaraysa kaalin muhiima oo sare u qaaday meeqamkii sharafta iyo karaamada umadda Somaliland oo aad markhati ka tihiin socdaalkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Biixi ku tagay Ethiopia oo lagu qaabilay protocol la mida kii lasiiyay madaxda Africa, taasi oo cadaw badan ka nixisay.

In kastoo guulo diblomasiyadeed aynu ku talaabsanay hadana waxa jira duufaano siyaasadeed oo la rabo in guulaha lagu shaasheeyo oo gudaha iyo dibadaba laga wado. Waxaan kusoo ururinayaa Qaranimada iyo jiritaanka Somaliland waa lama taabtaan ee aynu garabsiino kolba cida aynu xilka iyo hogaaminta qaranka u dhiibanay, wixii talo iyo tusaale ahna aynu si wadaniyad leh usoo gudbinayna, kana feejigan miinooyinka cadawgu dhexdeena kusoo tuurayo.

Wabilahi tawfiiq
W/Q: Maxamed Aadan Gacayte
Hargeysa/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here