War deg deg ah Wasaarada Arimaha Dibada oo go.aan ka soo saartay imaatinka Farmaajo

0
330

 

Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, Taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaado Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.
Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u hayn in ay Hargeisa kusoo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay ii Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah oo aad lagu kalsoon yahay.

Warqadaas xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia.
Ila wareedyada, ayaa sidoo kale ii sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, usbuucan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda Kula Yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka madaxwaynaha Soomaaliya.

 

Xigasho HCTv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here