Kalfadhigii Gollaha Deegaanka Degmada Berbera ee maanta ayaa lagu doortay hogaanka guddiyada Gollahaasi

0
340

#BERBERA:-

Kalfadhigii Gollaha Deegaanka Degmada Berbera ee maanta ayaa lagu doortay hogaanka guddiyada Gollahaasi

Guddoomiyayaasha labada Guddi ee kala ah Guddida Horumarinta Dhaqaalaha iyo Guddida Hawlaha Guud Iyo Jidadka ayaa si rasmiya loogu doortay kalfadhigaasi.

Mudane Cabdirashiid Nuur Wacays ayaa loo doortay Guddoomiyah Guddiga Hawlaha Guud Iyo Horumarinta Jidadka halka loo doortay Mudane Axmed Cali Caynaba Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Dhaqaalaha, waxaana kalfadhiga danbe loo balamay in la doorto hogaanka Guddida Arrimaha Bulshada.

Kalfadhiga oo ka dhacay Xarunta Dawladdaa Hoose ayaa waxa Shir- Guddoominaayay Guddomiyaha Gollaha Deegaanka Degmada Berber Mudane Maayir Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin.

Ahmed-nuur Samraawi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here