Xoghayaha Guud Xisbiga Mucaaridka wadani ayaa qoraal uu soo saaray Ku Aflagadeeday Xildhibaanada Cusub Golaha Wakiilada

0
394

Waxa aynu la wada soconnaa in doorashadii inoo dhacday 31-kii MAY ay shacbiga reer Somaliland doorteen Gole Wakiilo oo mucaarad ah, waxaa Xildhibaannada cusub shacabku ugu codeeyeen in ay la xisaabtamaan Xukuumadda, in ay soo saaraan miisaaniyad isu dheeli tiraysa Gobollada dalka, in ay ka shaqeeyaan hore u socodka shuruucda dalkeenna.

Xukuumaddu waxa ay heshay oo codkii shacabku siiyay u goysay 30 Xildhibaan oo KELIYA. Cid kasta oo isku dayda in ay Shir-guddoon aan mucaarad ahayn soo saarto waxa ay inqilaabaysaa oo ay afduubeysaa codkii Shacbka, waxa ay xagal daacinaysaa isla xisaabtankii xukuumadda, waxa ay dabraysaa himilladdii Umaddani lahayd.

Mudane Xildhibaan, haddii lacag laguula yimaaddo ogaw lacagtaasi waa tii laga ururiyey dadkii ku soo doortay, marka laga yimaaddo in ay xaaraan tahay oo cadaab lagu mudan karo, waxa ay noqonaysaa lacag laga xaday dadkii ku doortay oo waddo loogu samyna lahaa oo adiga lagugu iibsaday, Ilaahay idamkii fili maayo in uu jiro Xildhibaan damiirkiisu sidaas u dhintay oo dadkii soo doortay ee bacadka isu taagay wixii laga soo xaday u hunguroonayaa in uu jiro sinnaba.

See Less

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here