KHilaaf ka dhex qaraxay Maamulkii Gobolka Iyo degmada Berbera +Madaxwaynaha Ku Soo Aadan Gobolka Saaxil +Wasiir Samsam oo gobolka soo gashay xal Raadis ah

0
311

Xaalada Wakaalada Biyaha Berbera Ayaa Kacsan, Sidaynu Ognahay Afar Bilood Ka Hor Ayaa Maamulka Wakaalada Biyaha Berbera Waxaa La Wareegay Dawlada Hoose Ee Berbera Kadib Markii Golaha Degaanka Berbera Fadhiyo Aay ka Yeesheen Isku Raaceen In Aay Gacanta Ku Hayaan Maamul Ahaan,

Arinkan Ayaana Waxaa Sababay Isku Dhac Maamul Oo Dhexmaray Maareeyihii Wakaalada Biyaha Berbera Kayd Cabdilaahi xandule iyo wasiirkii Hore Ee wasaarada Biyaha Baashe,

Hadaba Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Khayaraadka Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Boos Ayaa Usoo Magacaabay Mareeye Cusub Wakaalada Biyaha Berbera Arinkan Ayaa Dhaliayay Khilaaf Adag oo Soo Kala Dhexgalay Mayorka Berbera Cabdi Shakuur Maxxamuud Xasan Cidin, iyo Wasiirka wasaaradaasi Xuseen Boos , Sidoo Kalena Waxaa Arinkan Isla fahmi Waayay Badhasaabka Gobo;lka saaxil jamac
Yuusuf Axmed iyo Golaha Degaanka Berbera,

Waxaana Wararku Sheegayan In Ciidamada Birmadka iyo kuwa RRU-da ee Berbera Dagani Ay Xarunta Wakaalada Biyaha Tageen Saaka iyaga oo Maamulka gobolka Saaxil Iyo Wasiiru dawlaha wasaarada khayraadka Biyuhu hogaaminayaan damacsanaana Inay awood Ciidan kula Wareegaan maamulka Wakaalada Biyaha Berbera.

Masuuliyiinta Golaha Degaanka Berbera Ayaa Ku Doodaya in Xeer 14 Oo Ah Xeerka Maamulka Biyaha uu u Ogalaanayo in Golaha Degaanku Xukumo ama Maamulo Biyaha Degmada,Laakiin wada Shaqayn Aay ka Dhaxayn Karto wasaarada Biyaha Siyaasad Ahaan,

Saaka Xili Hore Ayaa xafiiska badhasaabka Gobolka Saaxil Waxaa Arinkan Isku Khilaafay Xildhibaano Ka Socday Golaha Degaanka Berbera iyo Maayorkooda Oo dhan Ka soo wada Jeeday iyo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Biyaha iyo Badhasaabka oo Isku Aragti ka Ahaa Bedelka Maareeyaha wakaaladaasi,

Sida la Ogyahayna Mudadii Koobnayd Ee Maamulka wakaaladaasi Aay gacanta Ku hayeen Dawlada Hoose Ee Berbera, waxaa Isbedel Ku Yimid Wakaaladaasi, waxaana la Kordhiyay wax soo saarkii Biyaha oo Awal Cidhiidhi Ku Ahaa Berbera,

Jawiga Berberi Waa Xeeb Kulul Sanadka Intiisa Badan ,Magaaladuna way Fiday, Biyuhuna Waa Nolasha Kowaad, Sidaa Laajigeed dareenka Shacabka Berbera Waxay Ogol yihiin In Maamul ahaan wakaaladaasi Loo Daayo Golaha degaanka Berbera,

Waxaanay Wel Wel Ka Qabaan In wakaalada Biyaha Berbera Lagu wareejiyo Dad Shacaba oo Praivate Laga Dhigo, Illo Wareedyo Ayaana Iftiiminaya In Ama Sheegaya in Shirkada La Yidhaa NUGAAL oo Xarunteedu Tahay Laascaanood Aay Doonayso In Lagu Wareejiyo wakaalada Biyaha Berbera

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here