Ma Og Tahay Ma Se Ma Qashay Weligaa. W/Q.Axmed Nuur Guruuje

0
322

– In Saluuga Midnimadii Labadii wadan ee 1960 ay bilaabantay isla Todobaadkii ugu horeeyay ee dhalashadeeda . – In Raysal wasaarihii iyo inta badan xukuumadii la dhisay 1960 iyo Madaxwaynahaba Gobolkii koonfureed qaatay .

– In aan Weligeed Golihii Baarlamaanka ee Soomaaliya ansixin axdi midnimo ( Act of union ) .
– In 1961 Inqilaab Mileteri ay isku dayeen Saraakishii Mileteri ee u dhashay Somaliland .
– In Maxkamadii waagaa la saaray saraakiishaasi wayday awood qaynuun ahaan ay saraakiishaa ku xukunto , maxaa yeelay maba jirin qaynuun ay ku dhisnayd midaynimada Somaliland iyo Somaliya ( Lack of jurisdiction) .
– In aftidii Distoorka ee Wadankii Soomaaliya 1961 ay diideen Dadkii Reer Somaliland iyadoo 75 % ay ku codeeyeen maya .
– In lagga bilaabo 1961 , Isku daygaa inqilaabka iyo diidmadaa distoorka ka dib , in lagga mamnuucay in Somaliland Milateriga jooga uu xukumo Sarkaal u dhashay Somaliland .
– In 12 Janaralaal iska badaleen 1961-91 , qaybtii 26 aad ee Ciidamada Soomaaliya , dhamaantoodna ay kasoo jeedeen Koonfur .
– In mar keliya Qaybtaa loosoo magacaabay Sarkaal u dhashay Hargaysa , ka dibna Shirqool laggu dilay,intaanu xilkaba la wareegin .
– In 1988 markii Dagaaladii Snm iyo Xukuumadii M S Barre ka qarxeen Hargaysa iyo Burco , in Xukuumadu usoo dirtay Wafti culus oo uu hogaaminayo Madaxwayne xigeenkii Soomaliya , awoodna loo siiyay inay Xoog ku muquuniyaan Jabhada iyo shacabka , awood kastana u adeegsadaan , ka dibna ay isticmaaleen dhamaanba Ciidankii dawladii Soomaaliya .
– In Diyaaradihii Soomaaliya ee ka tirsanaa Saldhigyada Hargaysa ,Berbera ,Bali-doogle iyo Baydhabo , dhamaantood laggu duqeeyay Hargaysa iyo Burco 7 ka midana lasoo riday .
– In 1991 Markii Mogdisho Dagaalku ka bilaabmay , M S Barre amar ku bixiyay in aan Mogdisho la duqayn madaafiicda culusna lo isticmaalin , halka Hargaysa la amray in guri guri loo duqeeyo .
– In qaynuun ahaan , siyaasad ahaan , iyo xaqiiqo ahaan , Somaliland ahayd 1960-91 meel xoog laggu haysto oo la qabsaday sharci ahaan ( Annextion) .
– In weli mogdisho ku socoto jidkii horre, xukuumadeeda iyo siyaasadeeduna ku dhisan tahay maamulka iyo manfaca koonfur magacnuna ha midaysnaado .
Alla hayoow nin daacada ,
Allahayoow nin daalina
Deeqdaada ha usimin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here