LONDON OO YEELATAY MAAYIRKII UGU HORREEYAY EE MUSLIM AH

0
300

London (Ceelgardinews.co,W.wararka) Iyadoo la tiriyey inta badan codadka tartanka doorashada ee duqa magaalada London ayaa natiijada ay muujinaysaa inuu ku guulaystay musharraxa xisbiga shaqaalaha UK Sadiq Khan. Sadiq Khan waxa uu  noqonayaa duqii ugu horreeyey ee Muslim ah ee ay yeelato magaalo weyn oo ku taalla Galbeedka

Yurub. Sadiq Khan waa 46 sano jir

.duqa-london

Waxa la sheegay inuu helay in ka badan 42% codadka la tiriyey halka ninka sida weyn ula loolamayey Zak Goldsmith uu ka helay codadka wax yar ka badan 36%. Doorashadan ayaa si weyn loogu tartamayey, waxaana ay ahayd mid si weyn indha loogu hayey. Xisbiga Shaqaalaha oo guuldarrooyin ka soo gaareen doorashooyinka golaha shacabka ee Scotland ayaa guusha ay ka gaadheen London u noqonaysaa mid niyadda u dejisa hoggaanka xisbigaasi.