Ma Dhabaa In Mayar Cabdalle Maxamed Carab Ku Biirayo Xisbiga Waddani?

0
339

Hargeysa ( Ceelgardinews.com )-Maayirkii hore ee magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo hadana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera ayaa la filayaa inuu dhawaan ku biiro xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Image result for Cabdale Sandheere

Sida ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen Warbaahinta Madaxa banaan Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalla Sandheere) ayaa 15-ka bishan September ku soo biiraya xisbiga WADDANI, kadib kulamo uu la yeeshay madax sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa la sheegay inuu ku qancay inuu ka mid noqdo Xisbigaas Waddani.

Mayar Cabdalle Maxamed Carab ayaa kamid ahaa xisbiga Kulmiye Islamarkaana Kasoo Baxay Doorashadii golaha Deegaanka ee sanadii 2012kii dalka ka qabsoontay.

 

Cabdalle Sandheere ayaa ka mid ahaa maayirraddii ugu mudada dheeraa ee soo mara magaalooyinka Somaliland, waxaana uu mar labaad ku soo baxay xildhibaanimada golaha deegaanka 2012-kii isagoo iskii uga tanaasulay xilka maayirka magaalada, Sidoo kale Cabdalle Sandheere waa shakhsi saamayn siyaasadeed oo balaadhan ku leh gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here