Ma Dhabbaa In Mashruuc Malaayiin Doollar Ku Baxaya Oo Lagu Tayaynayo Shaqaalaha Dawladdu Qarka U Saaran Yahay In Uu Buro Iyo Sababta Loo Aanaynayo

0
293

Mashruuc Culus Oo Baanka Aduunku ugu deeqay Somaliland oo kor loogu qaadayo Tayada Aqooneed ee Shaqaalaha Dawlada Somaliland oo malaayiin Dollar ku baxayso ayaa qarka u saaran inuu hakad galo kadib sida la sheegay isku shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Golihiisa  Xukuumadda,waxaana la sheegay in Masuuliyiintii Mashruucani soo dhaweeyay ay walaac ka qabaan isbadel ku yimid Hay’addii mashruucani qaranka loo soo marinayay ee Hawsha fulinaysay iyo in La Musuq Maasuqo.
Warar Xog Ogaal ah oo Wargeyska Foore ka helay Qaar ka tirsan Aqoonyahanadii mashruucani gacanta ku hayay ee ka soo qayb Qaatay inuu Mashruucani soo gaadho Somaliland ayaa noo iftiimiyay Warbixin ka soo gaadhay Xafiiska Baanka Aduunka ee xaruntiisu tahay Magaaladda Nairobi kadib isku shaandhayntii lagu sameeyay Golaha Xukuumadda Somaliland oo saamayn ku yeelatay mashruucani,

waxa ay noo sheegeen in Warbixintaasi ay ku iftiimiyeen Masuuliyiinta Nairobi joogaa, sida ay uga xun yihiin inuu mashruucani noqdo mid la siyaasadeeyo oo uu yeesho waji kale oo ka duwan kii loogu talo galay iyo inuu u fuli waayo sidii la rabay. Waxa ay walaac ka muujiyeen Masuulkii mashruucani dalbaday ee ay isfahmeen in labadelo oo masuul cusub oo u baahan in wakhti la siiyo la keeno,

waxa kale oo ay Su’aal galiyeen arimo la gaadhsiiyay Xafiiskooda oo la xidhiidha in Mashruucaasi uu sahayday Gudoomiyihii hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Maxile Boqore, oo la doonayo in la musuq maasuqo ama Waji Kale loo yeelo.
Mashruucani ayaa waxa ku baxaya lacag gaadhaysa Toban Milyan oo dollarka Maraykan ah,waxaana Somaliland ugu deeqay Baanka Aduuunka.

Waxa loogu talo galay in kor loogu qaado Tayada Shaqaalaha Dawlada,In tababaro loogu furo islamarkaana lagu dhiso aqoontooda dhinaca Adeega Dawlada. Waxa uu soconayaa Mashruucani muddo shan sano ah,waxaana marka hore loo tababarayaa Macaliin reer Somaliland ah oo Tababarkaasi mudada dheer qaadanaya u sii wada Shaqaalaha Dawlada Somaliland. Waa mashruucii u horeeyay ee Noociisa ah ee Banka Aduunku ka fuliyo Somaliland,

waxaana si weyn isha loogu hayaa qaabka ay Madaxtooyadda Somaliland oo imika Hunguri kaga jiraa ay u meel mariso Mashruucaasi iyo inay siyaasadayso oo intuu mad madaw soo galo dib loola noqdo.

Xogo Hoose ayaa daaha ka rogay in Qolada Banka Aduunku dib uga fiirsanayso hirgalinta Mashruucani islamarkaana ay haynayaan inta ay faham buuxa ka qaadanayaan Macquulnimada Masuulka Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawlada loo soo magacaabay Sharmaarka Axmed Muxumed Geele oo markii hore ahaa Xoghaya Golaha Wasiiradda Somaliland,waxaana sida la sheegay ay isha ku haynayaan sida uu shaqada ku bilaabo iyo sida ay iskula Jaan Qaadaan Saraakiil Baanka Aduunka Hargeyska ka joogta oo mashruucani higalintiisa wada,iyo sidoo kale Madax banaanidiisa Shaqo iyo inaanu Cid ku tiirsanayn .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here