Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera, Khadar Cali Cilmi, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha wakaaladda, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Golaha

0
119
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera, Khadar Cali Cilmi, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha wakaaladda, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo uu hoggaaminayo Maayirka degmada, Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa is-weydaarsi xogeed ku saabsan hawlaha shaqo ee ay wakaaladdu bulshada u hayso, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray caqabadaha inta badan soo wajaha adeegyada biyaha.
Maareeyaha wakaaladda ayaa Golaha Deegaanka si faahfaahsan uga warbixiyey howlaha socda, horumarka la gaadhay, iyo qorshayaasha lagu xallinayo caqabadaha jira. Sidoo kale, waxa uu sharaxaad ka bixiyey dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo joogtaynta adeegga biyaha.
Dhankooda, mudanayaasha Golaha Deegaanka ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyey maamulka wakaaladda, kuwaas oo la xidhiidha adeeg bixinta iyo caqabadaha jira, iyadoo Maareeyuhu si cad oo qotodheer uga jawaabay dhammaan su’aalihii la soo jeediyey.
Kulankan ayaa muujinaya iskaashi iyo wada shaqayn ka dhaxaysa maamulka degmada iyo Wakaaladda Biyaha Berbera, si loo xaqiijiyo adeeg biyo oo hufan oo gaadha bulshada.