Maayar ku-xigeenka degmada Burco,mudane Khaalid Xassan X.Diiriye oo hawlo shaqo u jooga magaalada Sheffield ee dalka UK, ayaa kulan muhiima la qaatay Maayarka Sheffield, marwo Safiya Siciid Barbaraawi.
Wafti uu hogaaminayo ku-xigeenka Duqa Degmadda Burco Md. Khaalid Hassan H.Diiriye ayaa booqasho ku tagay Town Hall ka, oo ah aqalka looga taliyo magaalada Sheffield ee Gobolka Yorkshire ee dalka UK,halkaas oo madaxdii sida weyn usoo dhaweeyey ay kamid ahaayee Maayarka Sheffield, Safiya Siciid Barbaraawi iyo Council Leader Tom Hunt Madaxda magaalada Sheffield,iyadoona kulankaas laga ga wada hadlay iskaashiga wadashaqayneed ee labada Magaalo.
Magaalada Sheffield ayaa ah magaalo ay ku xoogan yihiin Jaaliyada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoona ahayd Magaaladaasina ay ahayd tii ugu horeysay ee Aqoonsada Jiritaanka Iyo Qarranimadda JSL ee Gor-gortanka lahayn.
















