Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga JSL ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.
Shirkan waxa ka qayb galay masuuliyiin ka socotay, laamaha kala duwan ee Amniga dalka iyo saraakiisha sare ee Ciidamada dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, oo ka hadlay shirkan, ayaa ku booriyey shacabka Somaliland in ay la shaqeeyaan hay’addaha ka shaqeeya Nabad-gelyada, wixii xog ah ee ay helaana la wadaagaan laamaha amniga dalka.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay maadama oo dalku uu helay Ictiraaf in ay jiraan cid aan ku farxin tallaabada uu qaaday dalku, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in la muujiyo taxadar dheeraada oo lagu sugayo amniga guud ee dalka.
Masuuliyiinta iyo saraakiisha ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay in Hay’addaha Amnigu diyaar u yihiin ka shaqaynta sugitaanka Ammaanka dalka, iyaga oo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Hay’addaha ammaanka, isla markaana waxyaabaha ay ka shakiyaan ama amniga khatar ku ah la soo socodsiiyaan.
Shirka waxa ka soo qayb galay.
. –
. –
. .
















