Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Mr Jonathan Starr oo ah aas-aasaha Iskuulka Abaarso Tech

0
292

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Mr Jonathan Starr oo ah aas-aasaha Iskuulka Abaarso Tech ee dhinaca galbeed ee

Caasimada Hargeysa

,

oo ay    weheliyaan koox warfidiyeeno ah oo ah kuwa soo saara barmaamidka lamagac baxay 60 daqiiqo (60Minutes) ee Telefeeshinka caalamiga ah ee CBS oo xaruntiisu tahay Waddanka Maraykanka, kuwaasoo uu horkacayo Mr. Henry Schuster.

Madaxweynaha ayaa ugu horaynba bilaabay ereyo uu ku soo dhawaynayo aas-aasaha Abaarso Tech iyo

warfidiyeenka la so

c13151445_957691997677987_5907865083180770489_n

day, waxanu sheegay inuu dugsiga abaarso tech uu hayo dalka shaqo muhim ah, ugana mahadnaqayo ardayda ilaa

 

 

hadda ka qalin jebisay dugsigaasi oo qaarkood nasiib u heleen

13124801_957691821011338_4490664000487769413_n,

inay ku biiraan jaamacadaha ugu caansan dunida iyo kuwa haatan ku jira ee wax ku baranayaba, isagoo intaa raaciyey inuu dugsigu ardaydiisa u suurtogelinayo inay noqdaan kuwo wax la qaybsada facooda dunida horumartay.

 

13133322_957691881011332_5764197550291267380_n

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Somaliland iyo dhinaca nidaamka dawladnimo, waxaanu yidhi, “Somaliland waa dal dimuquraadiya, oo ku dhaqma nidaamka dunidu ku dhaqanto iyo xeerarka caalamiga, oo ay ka jirto nabadgelyo iyo xasilooni taam ahi, waxanan ku rajo weynahay inaad dunida u sheegidoontaan, waxa wanaagsan eed naga aragteen mudadii aad ku sugnaydeen dalka, haddii aad tihiin warfidiyeenkan dalka soo booqday”. Warfidiyeenadan ayaa dalka ka diyaarin doona barmaamijyo ay kaga hadlayaan qadiyada Somaliland, kuwaasoo la filayo inay daawadaan dad lagu qiyaasay in ka badan 60 malyuun.

Waxa isna halka ka hadlay, aas-aasaha dugsiga abaarso tech Mr Jonathan waxanu ku dheeraaday inuu ka mahad sheegtay sida ay dawladu u gacanqabatay dugsiga uu aas-aasay, isagoo yidhi “Madaxweyne, waxan kaaga mahadnaqayaa qaabilaada aad nagu qaabishay xafiiskaaga, waxa kaloon kaaga mahadnaqayaa sidii muddadii todobada sanno ahayd ee uu dugsiga abaarso Tech jiray aanu gacan uga helaynay, xukuumadda, iyo shacbiga Somaliland oo noo suurtogeliyey inuu dugsigaasi hana qaado Ardayda ka soo baxaydaana noqdaan kuwo caalamiya oo ka qaybgala waxbarashada jaamacado caan ka ah dunida”.

Markii fadhigu soo dhammaaday waxa saxaafada la hadlay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiirka Macdanta iyo tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo Aas-aasaha Abaarso Tech Mr. Jonathan.

Xubnaha ka qaybgalay kulanka, waxa ka mid ahaa Maamulaha Iskuulka Abaarso Tech, Mr. James Linville, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, iyo Afhayeenka Madaxtooyada.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.