Madaxwayne Farmaajo Oo Kulamo Lagaga Hadlayo Khilaafka Baarlamanka Dalkiisa La Yeeshay Wasiiro Iyo Xildhibaano

0
277

Madaxwaynaha Somaliya  Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku saabsan khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay Gudoomiyaha golaha shacabka Jawaari kula  yeeshay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee dawlada.

Madaxweynaha oo tan iyo markii uu khilaafkan soo ifbaxay aan si toos uga hadlay ayaa kulamo hoose la yeelanaya mas’uuliyiinta ay arintan khuseyso, gaar ahaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada, isaga oo dalbanaya in khilaafka lagu soo afjaro hab sharci waafaqsan, loona maro dariiqa uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa horay kulamo arintan ku saabsan ula yeeshay Guddig ka socday Aqalka Sare, Guddi ay iska soo xuleen haweenka xildhibaannada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here