Madaxwayne Mustafa Muxumed Cumar oo maanta bilaabay lacag bedelka Dawlad Degaanka Soomaalida

0
379

Madaxwayne Mustafa Muxumed Cumar oo maanta bilaabay lacag bedelka Degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay dhawr arrimood.

Madaxwaynaha waxaa uu sheegay in hawshii la xidhiidhay lacag badalka iyo cabashadii shacabka ay xal ka gaadheen isla markaana la ilaalinayo hantida ummada degaanka.
Madaxwaynaha oo kulan la yeeshay maareeyasha Bankiyada ka jira degaanka ayaa
sheegay in la faray maamulada heerarkooda kala duwan in haday jiraan dad lacago laga qaaday loo celiyo. Madaxwayanaha ayaa tibaaxay in hadafka lacag badalka uu yahay in la xakameeyo lacag gaadhaysa 109 Bilyan oo si sharci darro ah lagala baxay dalka.
Madaxwaynaha oo saaka furay shixnadii ugu horaysay ee lacagta cusub oo lagu keenay Diyaarad iyadoo Jigjiga ay noqotay magaaladii koowaad ee diyaarad lagu geeyo ayaa madaxwaynaha waxaa uu maareeyayaasha ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo geeyo degmooyinka degaanka oo idil.
Madaxwayanaha waxaa shacabka kula taliyay in iyadoon cabsi ku jirin ay lacagtooda u badashaan muddada 3 bilood ah ee loo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here