Madaxwaynihii Hore Ee Puntland Oo Ku Dhawaaqay inuu Yahay Murrashax U Taagan Madaxtinimada Soomaaliya.

0
328

Garoowe (Ceelgardinews.com) Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Faroole oo wariyeyaasha kula hadlayay hoygiisa ayaa sheegay ayaa sheegay in aragti ahaan aysan la wanaagsaneyn heshiiskii xalay lagu saxiixay Garowe, kaasoo Puntland ku aqbashay nidaamka 4.5 ee doorashooyinka Soomaaliya.

“Waxaa cadeynayaa inaan ahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa is leeyahay inaan dalka ka saari karo nidaamkan duqoobay ee 4.5″ayuu yiri Faroole oo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u doortaan xilka Madaxtinimada dalka, si uu ugu hogaamiyo wadada horumarka.

C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladdiisa ku fashilantay inay wax ka qabato dalka, isla markaana dalka gaarsiin weyday nidaamka federaalka, waxaa uu tilmaamay inuu dadaal u galayo sidii uu dib ugu soo laaban lahaa, balse ay ka hortagayaan sida uu yiri.

Faroole ayaa la aaminsanaa inuu mudaba ku taamayay inuu noqdo Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2014 lagaga guuleystay doorashadii Madaxweynaha Puntland

Dadka dhaliila ayaa waxay ku tilmaamaan inuu yahay nid ad-adag oo diidmo badan, waxaana lagu xusuustaa sida uu wax walba u naqdin jiray xilligii uu ahaa Madaxweynaha Puntland