Madaxweynaha Puntland Oo Tababar U Soo Xiray Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland (Sawirro)

0
366

Garoowe (Ceelgardinews.com)Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Tabbabar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo muddo dhawr bilood ah Tababbarro ku soo kala qaatay Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

201647635956091653988947IMG_4777

Xafladda tababbarka loogu soo xiray ciidamadan, ayaa waxaa ka qayb-galay taliyaha guud ee ciidanka daraawiishta Puntland, Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada, Col. C/rashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob), Saraakiil sar-sare iyo Madaxweynaha Puntland.


C/weli Gaas ayaa ugu horreyn ciidanka la hadalay ku amaanay saraakiisha ciidamada Da-daalkii ay u galeen tayaynta iyo qalabaynta ciidamadda Puntland, isagoo intaas ku daray in Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Shaqadoodu aysan ku koobnayn ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse qayb ka qaataan hawl-gallada deg-deg ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa ciidamada tababbarka loosoo xiray kula dar-daarmay in looga baahan yahay in ay mar walba ka duwanaadaan ciidamada kale, maadama ay joogaan muraayaddii dalka oo ah halka laga qiimaynayo tayada ciidanka Puntland.

201647635956091413040168IMG_4771 201647635956093774355236IMG_4794 201647635956094205790717IMG_4834 201647635956095783569051IMG_4799

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here