Moqdisho (CeelgardiNews.com):- Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga iyo faderaalka ee dalka Somaliya Cabdirashiid Maxaxmed Xidig ayaa waxaa uu sheegay in abaaro xoogani ay ka jiraan qaar ka mid ah gobalada dalka Somaliya isla markaana hadii ay gobalada Somaliland ay ka curteen roobabkii Gugu ay iska soo celiyaan lacagtii gurmadka abaaraha ee rer Somliya ku caawiyeen waxii aanay ka isicmaalin isla markaana gaar gaar loogu geyn doono dadka ay abaaruhu ku haystaa gobalada dalkaasi Somaliya .
Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu hadalkan ka sheegay madal uu ku soo dhaweynaayey waftigii dhawaan Somaliland safarka ku yimid ee siday deeqda caawimo ah oo maanta dib ugu noqdey caasimada dalka Somaliya ee moqdisho
Cabdirashiid Maxamed Xidig wasiir ku xigeenka amniga iyo faderaalka ee dalka Somaliya oo arintani ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi
“Gobalo balaadhan oo dhinca konfurta ah wali roob kamuu da,in Putland laga soo bilaabo ilaa koofurta gobalo ka mid ah wali roob muu helin isla markaana mid la mid ah abaartii gobaladii waqooyiga ayaa ka jirta .
Markaas maanta waxaa la rabaa idinka oo aan kaba iska baxin in aad hawshaas wax ka qabataan, intii aad maqnaydeen haayadihii waan la kulanay shalayna waxaanu la kulmny kuwii islaamka ahaa , hadii ay markaas haayaduhu wax ina siiyaan waxaa la keeni doona marka uu roobku in helo oo way la habsaamayaan markaas waxaa la rabaa lacagtii aynu iska uruurinay waxii aad hayseen iyo waxii aynu hayno in aynu booyado biyo ah ugu geyno , Dhulkaa rer Somaliland na hadii uu roob ka da,ay inta ka hadhey lacagtii caawimada waa in ay inagu soo wareejiyaan ayaa laga rabaa” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada amniga iyo faderaalka ee dalka Somaliya
Ceelgardinews.com
Berbera Somalialnd.