Jabuuti(Ceelgardinews.com) – Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo uu shalay markii labaad jagadaas u magacaabay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad Madaxweynaha Jabuuti loo doortay 8-dii bishii hore, ayaa shalay soo magacaabay Golaha Xukuumaddiisa oo ay Xubno badan oo cusub ka dhex-muuqdaan Wasiirrada. Xubnaha Golaha Wasiirrada ee uu shalay soo dhisay Raysal-wasaaraha Jabuuti, ayaa qaarkood ka tirsan yihiin Wasiirradii Xukuumaddii hore uu isla Raysal-wasaare Kaamil hoggaaminayey, iyadoo ay jiraan Wasaarado cusub oo lagu kordhiyey tirada Wasaaradaha Xukuumadda Jabuuti. War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, oo Warbaahinta loo akhriyey, ayaa lagu faahfaahiyey Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti. War-Saxaafadeedka Magacaabista Masuuliyiinta Xukuumadda cusub oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL, kuna qornaa Luuqadda Faransiiska, oo aanu afka soomaaliga ku turjunnay ayaa waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Liiska Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Jabuuti:-
- Wasiirka Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale
- Xasan Cumar Maxamed Wasiirka Arrimaha gudaha
- Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka arrimaha dibedda
- Boode Axmed Rooble Wasiirka Miisaaniyadda
- Jaamac Cilmi Cokiye Wasiirka Caafimaadka
- Cali Xasan Bahdoon Wasiirka Gaashaandhigga
- Maxamed Axmed Cawaale Wasiirka Beeraha iyo Kalluumaysiga
- Nabiil Maxamed Axmed Wasiirka Tacliinta Sare
- Muumin Axmed Sheekh Wasiirka Caddaaladda
- Cali Geelle Abubbakar Wasiirka Madaxtooyada iyo Maalgashiga
- Maxamed Cabdiqaadir Muuse Wasiirka Hawlgaha Guud
- Muumin Xasan Barre Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta
- Cabdi Yuusuf Suge Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Boosaha
- Xasan Iddiris Samirre Wasiirka Shaqada
- Mustafa Maxxamed Maxamuud Wasiirka Tacliinta iyo Xirfadaha
- Xasan Maxamed Kaamin Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
- Muuna Cismaan Aadan Wasiirka Arrimaha Bulshada
- Yaasiin Xuseen Buux Wasiirka Warshadaynta
- Xasan Muxamed Ibraahin Wasiirka Baayac-mushtarka iyo Dalxiiska
- Maxamed Cabdulqaadir Muuse Wasiirka Dekedaha, Madaarrada iyo Qalabaynta
- Muuse Maxamed Axmed Wasiirka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
- Muumina Humed Xasan Wasiirka Qoyska iyo Haweenka
- Aamina Cabdi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
- Xamaado Maxamed Aramis Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha
- Xasan Humad Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.”
Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Magacaabista Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti, sida aanu ku helnay Qoraalkan Magacyada iyo Xilalka Wasiirrada iyo Wasiirro Ku-xigeennada Xukuumadda Jabuuti.