MADAXWEYNE ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO DIB U MAGACAABAY RAYSAL-WASAARIHIISII HORE IYO MAGACYADA GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA CUSUB EE JABUUTI OO LA SHAACIYEY

0
307

Jabuuti(Ceelgardinews.com) – Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo uu shalay markii labaad jagadaas u magacaabay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad Madaxweynaha Jabuuti loo doortay 8-dii bishii hore, ayaa shalay  soo magacaabay Golaha Xukuumaddiisa oo ay Xubno badan oo cusub ka dhex-muuqdaan Wasiirrada. Xubnaha Golaha Wasiirrada ee uu shalay soo dhisay Raysal-wasaaraha Jabuuti, ayaa qaarkood ka tirsan yihiin Wasiirradii Xukuumaddii hore uu isla Raysal-wasaare Kaamil hoggaaminayey, iyadoo ay jiraan Wasaarado cusub oo lagu kordhiyey tirada Wasaaradaha Xukuumadda Jabuuti. War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, oo Warbaahinta loo akhriyey, ayaa lagu faahfaahiyey Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti. War-Saxaafadeedka Magacaabista Masuuliyiinta Xukuumadda cusub oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL, kuna qornaa Luuqadda Faransiiska,  oo aanu afka soomaaliga ku turjunnay  ayaa  waxa uu  u dhignaa sidatan:-

“Liiska Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub ee Jabuuti:-

  1. Wasiirka Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale
  2. Xasan Cumar Maxamed Wasiirka Arrimaha gudaha
  3. Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka arrimaha dibedda
  4. Boode Axmed Rooble Wasiirka Miisaaniyadda
  5. Jaamac Cilmi Cokiye Wasiirka Caafimaadka
  6. Cali Xasan Bahdoon Wasiirka Gaashaandhigga
  7. Maxamed Axmed Cawaale Wasiirka Beeraha iyo Kalluumaysiga
  8. Nabiil Maxamed Axmed Wasiirka Tacliinta Sare
  9. Muumin Axmed Sheekh Wasiirka Caddaaladda
  10. Cali Geelle Abubbakar Wasiirka Madaxtooyada iyo Maalgashiga
  11. Maxamed Cabdiqaadir Muuse Wasiirka Hawlgaha Guud
  12. Muumin Xasan Barre Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta
  13. Cabdi Yuusuf Suge Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Boosaha
  14. Xasan Iddiris Samirre Wasiirka Shaqada
  15. Mustafa Maxxamed Maxamuud Wasiirka Tacliinta iyo Xirfadaha
  16. Xasan Maxamed Kaamin Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
  17. Muuna Cismaan Aadan Wasiirka Arrimaha Bulshada
  18. Yaasiin Xuseen Buux Wasiirka Warshadaynta
  19. Xasan Muxamed Ibraahin Wasiirka Baayac-mushtarka iyo Dalxiiska
  20. Maxamed Cabdulqaadir Muuse Wasiirka Dekedaha, Madaarrada iyo Qalabaynta
  21. Muuse Maxamed Axmed Wasiirka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
  22. Muumina Humed Xasan Wasiirka Qoyska iyo Haweenka
  23. Aamina Cabdi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
  24. Xamaado Maxamed Aramis Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha
  25. Xasan Humad Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.”

Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Magacaabista Xukuumadda Cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti, sida aanu ku helnay Qoraalkan Magacyada iyo Xilalka Wasiirrada iyo Wasiirro Ku-xigeennada Xukuumadda Jabuuti.