Madaxweyne Obama Oo Jeediyay Khudbadiisii Ugu Dambeysay Iyo Waxyaabaha Uu Kaga Hadley

0
274

USA (Ceelgardinews.com ) :- Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Mareykanka Barack Obama ayaa

jeediyay khudbo uu ku macsalaameeyay taageerayaashiisa.

Hadalka ayuu u jeediyay kumannaan qof oo isugu soo baxay Chicago, halkaas oo ah meesha siyaasadda uu ka billaabay.

Dadka ayaa si weyn oo farxad leh ugu sabciyay Obama oo 20-ka bishan xilka ku wareejinaya Trump.

Wuxuu sheegay inuu ka tagayo Mareykank wanaagsan, oo awood leh, iskuna duuban.

Wuxuu tilmaamay inuu shaqa wanaagsan qabtay sideedii sano ee xilka uu hayay.

Haddaba maxaa la taaban karaa oo uu Obama ka bedelay siyaasadda gudaha ee Maraykanka ka dib sideed sano oo uu xukunka hayay?

Wuxuu xusay guulaha uu gaadhay, sida koboca dhaqaalaha, heshiiska nuclearka ee Iiraan, soo celinta xiriirka Kuuba, iyo xuquuqda dadka Mareykanka.

Laakiin wuxuu sheegay in rajada mideynta qowmiyadaha Mareykanka oo uu ka dhawaajiyay xilliguu xilka qabtay ay weli suuragal tahay.

Wuxuuna qiray in kala qeybsanaanta weli ay tahay mid xoog badan oo taagan.