Madaxweyne Siilanyo Oo Maanta Warbaahinta Ka Dheehdey Musuq Maasuq Laxaad Leh Oo Ay Ku Kaceen Xubno Ka Mid Ah Golihiisa Wasiiradu

0
324

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa ay Camera-daha saxaafadu maanta qabteen isaga oo si dareen leh u akhrisanaya wax yaabaha ay saaka qoreen qaar ka mid ah wargeysyada dalku .

Sidoo kale waxaa la arkaaayey madaxweynaha oo si taxadar leh u  akhrinaya war ay qaar ka mid ah wargeys-yada dalku  oo iyagu far waa weyn saaka ku qoray war  oo ku saabsan sanaa masuulyiin xukuumadiisa ka tirsan oo iibsadey dhul ay laheyd xayndaabka wasaarada Diinta iyo awqaaftu oo ay warbaahintu sheegay in ay falkaasi sameyeen agaasimaha wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Saleeban iyo wasiir ku xigeenka Maaliyada Cali DhegeeloLama Garan karo talaabada uu madaxweyne Siilanyo ka qaadi doono masuulyiintan hadii warkan uu saaka ka akhriyey wargeys yadu ay run noqdaan , waana markii ugu horeysay ee saxaafadu soo sawirto madaxweyne Siilanyo oo akhrisanaya qaar ka mid ah wararka ay qoraan wargeys- yadu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here