Qarax Dad Badani Ku Dhinteen Oo Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Moqdisho

0
327

Moqdisho ( Ceelgardinews.com ):- Waxaa goor dhaweyd magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya ka dhacay qarax xoogan oo dad badani ay ku dhintene Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay Suuq ku yaala xaafada Kaawo Gadey oo katirsan Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , waxaana wararku sheegayaan in qaraxa uu ka dhashey gaadhi weyn oo laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa .

Waxaana qaraxaas la sheegaya in ay u dhinteen dad ka badan 20 qof isla markaana waxaa ku dhawaacmey dad intaasi ka sii badan , waxaana ay aheyd goobtan uu qaraxu ka dhacay meel dad badani ay joogeen oo suuq aheyd