MADAXWEYNE SIILANYO OO TOBAN BILOOD GUDOHOOD SADEX WASIIR UKALA BEDELAY WASAARADA DUULISTA HAWADA?

0
348

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Toban Bilood gudahood wasaaradda duulista iyo hawada wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasiirkii saddexaad, waxaana wasiirada duulista lagu bedelaa dhawr bilood gudahood marka uu xilka hayo.

download

Bishii Oktoobar 2015, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo wasiirka duulista iyo hawada u magacaabay Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo bedelay wasiirkii hore Maxamuud Xaashi Cabdi oo noqday wasiirka madaxtooyada.

Laakiin; markii uu wasiir Cadaani xilkaas hayay afar bilood, ayuu haddana madaxweynuhu xilkii ka qaaday bishii Febarwari ee sannadkan, waxaanu wasaaraddaan u magacaabay masuul cusub oo ahaa Cumar Sheekh Maxamed Faarax.

Haddana, Cumar markii uu xilka hayay lix bilood, wuxuu madaxweynuhu toddobaadkan wasaaradaas u magacaabay  masuul kale oo ah Farxaan Aadan Haybe.

Haddaba, waxa ay bulshada reer Somaliland isweydiinaysaa oo ay su’aalo ka keentay sababta ay wasaaradda duulista iyo hawadu toban bilood gudahodo u marayso 3 wasiir, halka wasiirkii ka horeeyay ee Maxamuud Xaashi Cabdi uu xilka wasaaradaas hayay muddo lix sannadood ku siman.

Ma jiro wax sabab ah oo uu madaxweynuhu

digreetooyinkiisa ku cadeeyay markii uu wasaaradda ka wareejinayay masuuliyiintan, keliya wuxuu sheegay in loo wareejiyay wasaarad kale.

Wasiirkan u dambeeyay Cumar Sheekh Maxamuud, mudadii uu xilka hayay wuxuu sameeyay dedaalo iyo isbedelo hor leh oo uu ku soo kordhiyay guud ahaan wasaaradda, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Cigaal oo ah garoonka keliya ee dalka ka shaqeeya. Wuxuu safaro ku tagay dalka Itoobiya oo ay diyaaradoodu maalintii laba jeer timaado garoonka, waxaanu kulamo la soo yeeshay madaxda shirkadaas.

Sidoo kale wuxuu Wasiir Cumar mamnuucay soo dhawaynihii gudaha garoonka diyaaradaha ee Cigaal loogu samayn jiray siyaasiyiinta iyo dadka kale ee dalka ku soo laabta, taas oo ah talaabo loo  bogay oo in la hirgeliyo loo baahnaa.

Wasiir Cumar, waxa kale oo uu amaro ku soo rogay shaqaalaha garoonka oo uu ka mamnuucay inay gudaha garoonka ku dhex isticmaalaan telefoonada gacanta, sababo amni darteed.

Laakiin wasiirkii dedaalkaas sameeyay, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo goor saq dhexe ah ku abaal mariyay in wasaaradda laga bedelo oo loo wareejiyo wasaarad kale, waxaana dedaalkiisii laga dhigay hal bacaad lagu lisay.

Haddaba, Madaxweyne; dadka shacabka ah ee ku doortay qaar ka mid ah  ayaa aaminsan in wasaaradda duulista ay gashay dan gaar ah oo shakhsiyeed taas oo keentay in sannad gudihii la isku bedelo saddex wasiir. Waxa la aaminsanyahay in labadii Wasiir ee hore ay xilkooda waayeen markii ay gacantoodu gaadhay hogag wasaaradda ka qodan oo dan shakhsiyeed ah.

Madaxweyne; dareenka dadka ku doortay waxa u markhaati furaya qaar ka mid ah warbaahinta oo  qortay in wasiirkan u dambeeyay ay galafaatay ka dib markii uu farogeliyay lacago badan oo aan qasnada dawladda ku dhicin oo madaarka ka soo baxa taas oo uu amray in qasnada dawladda lagu shubo, waxaanay warbaahintu sheegtay in talaabadan wasiirka duulista uu ka cadhooday wasiirka awooda badan ee madaxtooyada oo hore u ahaa wasiirka duulista iyo hawada.

Haddaba; Madaxweyne adiga ayay umadu ku dooratay, adaana masuul uga ah ilaalinta hantida umadda, waxaanay bulshaduu ku dooratay kaaga fadhidaa inaad umadda u sharaxdo in wasaaradda duulista ay gashay dan gaar ah oo shakhsiyeed oo marka ay wasiiradu amraan in la burburiyo ay iyaga caydhiso awooda adag kugu xeeran.

Markaas, Madaxweyne, waxa ay umadu kaa sugaysaa inaad u kala cadayso in isku shaandhaynta badan ee wasaaradii duulista aad ku samaysay markii uu Maxamuud Xaashi baneeyay,  tahay dan qaran iyo inay tahay dan shakhsi sida ay dadku qabaan.