Masuul Xil Ka Hayay Xisbiga Mucaaridka ah wadani Oo Xilkii Iska Casilay

0
305

axaa hada si rasmi ah iska casilay xisbiga Waddani   gudoomiyihii xisbigaasi ee gobalka Buuhoodle Mr.Fu,aad Mixile .

mixile

Sarkaalkan oo goor dhaweyd qaar ka mid ah saxaafada kula hadley magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in uu iska Casilay xilkaasi sababo u gaar ah isaga waxaana uu yidhi

“Maanta waxaaan halkan ka cadeynayaa aniga oo ah gudoomiyaha Buuhoodle ee xisbiga Waddani Fu,aad Mixile  in aan si rasmi ah xilkaasi iskaga casilay taas oo aan iskaga casilaayo sababo ii gaar ah waxaan shaacinayaa in anigu  iska casilay xubin nimadii iyo gudoomiye nimadii aan xisbiga Waddani uga hayey gobalka Buuhoodle ” ayuu yidhi Fu,aad Mixile

Gudoomiyaha oo xilka uu hayay awal hore ahaa mid waraabe utaaga oo uu Hargeysa la fadhiyi jiray oo aanu marnaba xafiis Xisbiga calankii sudhanyahay ka taagin deegaanka Buuhoodle ee uu sheeganayo ayaa Iscasilaadiisa loo aanaynayaa xukumada oo Balag ulushay.