Maxay Tahay Fadeexada Soo Wajahday Ciyaartoyga Reer Brazil Ee Neymar?

0
383

Xiddiga kubadda cagta ee dalka Brazil Neymar Jr ayaa beenisay eedeyn la xiriirta inuu haweeney kufsi ugu geystay magaalada Paris.

Dacwad loo gudbiyay ciidamada booliska ee magaalada São Paulo ayay haweeneyda kufsiga ka cabaneysa ku sheegtay in falkaas uu ka dhacay hoteel ku yaalla magaalada Paris, halkaasoo ay ka dhisan tahay kooxda Paris St-Germain ee uu Neymar u ciyaaro.

 Neymar ayaa isagoo isku dayaya inuu caddeeyo inuusan wax khalad ah sameynin waxa uu baraha bulshada soo dhigay wax uu ku sheegay qoraalladii ay Whatsapp-ka isku weydaarsadeen isaga iyo haweeneydaas.

Ciyaartoga ayaa hadda ku sugan waddanka Brazil, wuxuuna la tababaranayay xulka qaranka oo isku diyaarinaya tartanka Copa América.

Maxay tahay eedeynta?

Sida ku xusan xogta booliska, haweeneyda oo aan magaceeda la shaacinin ayaa Neymar ka baratay barta lagu xiriiro ee Instagram-ka, wuxuuna ka codsaday inay ku kulmaan magaalada Paris.

Wuxuu ka bixiyay lacagta ay ku raacday diyaaraddii ka qaadday Brazil ee geysay Faransiiska, wuxuuna dajiyay hoteel qaali ah oo ku yaalla magaalada Paris.

Markii uu Neymar tagay hoteelka 15-kii bishii May, wuu cabsanaa, sida ay ku eedeysay haweeneyda.

“Markii ay wada hadleen oo ay ismaandhaafeen, Neymar wuu xanaaqay, wuxuuna sameeyay qalalaase, isagoo damcay inuu xiriir jinsi la sameeyo haweeneyda oo aan raalli ka ahayn”, ayaa lagu yidhi qoraalka booliska.

Qoraalka oo lasii amba qaaday ayaa lagu yidhi: “Labo maalmood ka dib, haweeneydii waxay ku laabatay Brazil, iyadoo aan dhacdada ku wargalinin booliska Faransiiska, sababtoo ah aad bay u ciishooneysay waxayna ka cabsaneysay inay arrintan fadeexadda ah ka diiwaan galiso waddan kale”.

Muxuu yidhi Neymar?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here