Nuxurka Khudbad Uu Wasiir Cali-Mareexaan Ka Jeediyey Munaasibaddii Xuska Maalinta Af Soomaaliga

0
308

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Wasiirka wesaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka JSL Cali XAsan Maxamed (Cali-Marreexaan ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay maalinta afka Soomaaliga oo ay soo qabanqaabiyeen ururka qoreyaasha Somaliland. Munaasibadan oo Wasiir Cali Marreexaan Kasokow Ay Kasoo Qayb Galeen Wasiirka Waxbarashada C/laahi Ibraahin Habane (Cabdillaahi-Dheere), bahda qoraalka iyo qalinleyda qaarkood iyo marti sharaf kale ayaa khudbad uu Wasiir Cali Marreexaan Halkaas ka jeediyey waxaa uu kaga hadlay qiimaha fka hooyo u leeyahay koboca iyo muujinta dhaqanka soo jireenka ah ee bulshadeena isaga oo farta ku fiiqay  tallaabooyin ka qayb gaadan jiray nooleynta iyo taabogelinta afka Soomaaliga oo xilliyadii hore ay bulshadu isticmaali jirtay balse hadda meesha ka baxay “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan caawa (habeen hore) kasoo qeyb kulankan lagu xusyo maalinta afkeena Hooyo 22February, waxaan umahanaqayaa Ururka Qorayaasha ee caawa iskugu keen keenay madashan, waxaan sidoo kale umahadcelinayaa intiina kasoo qeb gashay”

“Waan jecelahay Goobaha lagu xusayo Afkeena iyo sugaanta. Kamana maqnaado oo waan imaadaa inta aan jaanis u hayo, afkeena haddii aan la qaban oon la badbaadin dhab ahaan meesha wuu ka baxayaa, afka Somaligu waakan kaliyaata ee ay ku dhex milmeen afafkale, haddii aynu sidan ku soconana ha u malaynina in afka kaligii dhimanayo ogaado inaguna waynu la dhiman” “Barrigii hore fasaxa miyiga ayaa la tagi jirey. Oo adigoo magacaan xoolo iyo noole soo bartay ayaad soo noqon jirtay. Maanta tii ma jirto taasi waxay kamid ahayd meelaha nooleyn jirtay Afkeena Hooyo. Qeyb libaax ayaan ka qaadanaynaa koritaanka afka hooyo, Dawlad ahaana xil weyn ayaa naga saaran inkastoo oo uu joogo Wasiirkii Waxbarashadu”. Wasiirka Waxbarashadda C/laahi Dheere ayaa isagu soo afmeeray madasha wuxuuna sheegay ka Dawladda ahaan in si weyn uga go’antahay soo nooleynta Afka Hooyo, wuxuuna sheegay in sida ugu dhakhsaha baddan hirgalin doonaan Akademiyadi Fanka ee Madaxweynuhu hore usameeyey, wuxuuna sheegay in sannadkaa kiisa kale ay Akademiyadu qaban doonto Xafladda xusitaanka Afka Hooyo. Maasha ayaa sidoo kale lagusoo bandhigay casharo la xidhiidha far Somaliga, iyo Hal-abuuro dhankooda maansooyin ku cabiraya heerka afkeena Hooyo.

Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud

ALLA MAHAD LEH.

GUUL SOMALILAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here